5/14/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2013
Ganacsade Maxamuud X. Xasan oo ka Tacsiyeeyay Geeridii ku timid siyaasi caan ah oo Soomaaliya Taariikh ku lahaa


Isniin, December 02, 2013 (HOL) - Ganacsade Maxamuud Xaaji Xassan Askar oo ka mid ah ganacsatada waawayn ee Soomaalida ayaa geeri naxdin leh ku tilmaamay dhimashadii Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ahaa diblamaasigii ugu taariikhda dheeraa Soomaaliya soona maray xilal kala duwan oo ay kamid ahayd wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya xilligii dawladii Maxamed Siyaad barre iyo sidoo kale C/laahi Maxamed Mire oo isna soo noqday wasiirkii waxbarashada ee Soomaaliya.
Qaybe-335x475.jpg
Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ahaa diblamaasigii ugu taariikhda dheeraa Soomaaliya oo dhawaan Hergeysa ku dhintay

Waxayna labadan masuul dhinteen asbuucii lasoo dhaafay  waliba maalmo isu dhow iyadoo geeridoodana uu Maxamuud ku tilmaamay inay ahayd mid si isku mid ah ay uga wada naxeen ummada Soomaaliyeed.

“Labadan Masuul waxay ahaayeen dad qarannimada Soomaaliya kaalin muuqata kasoo qaatay, Qaybe waxaaba uu ahaa aabihii Jamhuuriyada Soomaaliya waana mid kamid ah dadkii go’aamiyay in waqooyiga iyo koonfurta Soomaaliya ay is raacaan 1960-kii” ayuu yiri isagoo muujiyay sida uu uga tiiraanyooday geerida.

“Qaranka Soomaalida dadkii wax u qabtay taariikhdu ma illoobi doonto, waxay ku dayasho u yihiin jiilalka soo socda” ayuu sii raaciyay isagoo kulan baroor diiq ah u sameeyay.

Ganacsade Maxamuud ayaa kamid ah ganacsatada Soomaalida ee mudada dheer ku noolaa waddanka Maraykanka.

Waxaana uu sheegay in Soomaalinnimadu iyo Islaamnimaduba ay ku jirto in loo mahadceliyo loona duceeyo dadka kasoo qaybgalay halgankii dheeraa ee lagu yagleelay Jamhuuriyada Soomaaliya isagoo sheegay in haatanna loo baahanyahay in lasii wado halgan dheer oo uu ku tilmaamay inuu yahay midka loo galayo dib u dhiska Soomaaliya.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya










Click here
12/2/2013 12:17 PM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay ra’iisul wasaare Saacid ayaa ku tilmaamay mid dastuuri ah, isagoo sheegay inay xildhibaanada baarlamaanku muujiyeen howl-karnimo iyo mas’uuliyad.

12/2/2013 8:56 AM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ee xilka looga qaaday xukuumaddii uu horkacayay ra’iisul wasaare Saacid.

12/2/2013 8:26 AM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Hay’adda la dagaalanka iyo xakameynta cudurka HIV/AIDS, ayaa ka warbixiyey halka uu Somaliland ka marayo cudurkaas, waxaanu sheegay inay dadku soo fahmayaan jiritaanka cudurkan, isla markaana ay dawooyinka si toos ah usoo doontaan.

12/2/2013 7:57 AM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Waxaa lasoo gaba-gabeeyay codeyntii loo qaadayay xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid, iyadoo xildhibaanada ay si aqlabiyad ah codka ugu diideen xukuumadda.

12/2/2013 7:20 AM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in codka kalsoonida loo qaadayo xukuumadda, isagoo sheegay in codku uu noqon doono mid gacan-taag ah.

12/2/2013 6:52 AM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya hadda inay codka kalsoonida u qaadaan xukuumadda Saacid, kaddib markii ay dhammaadeen hadalladii ay jeedinayeen xildhibaannadii ka hadlayay mooshinka baarlamaanka.

12/2/2013 6:39 AM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somali, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aan walba oo kasoo baxa baarlamaanka uu aqbalayo, isagoo mooshinka baarlamaanka laga geeyay ku tilmaamay mid abaabulan.

12/2/2013 2:18 AM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Turjubaan u shaqeynayay Ciidamada AMISOM ayay kooxo hubeysan ku dileen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa iyadoo kooxihii hubeysnaa ee dilkaas geystay iyagana la toogtay.

12/2/2013 1:56 AM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Maanta ayaa lagu wadaa inay mar kale ka doodaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya mooshinka ka dhanka ah xukuumadda uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Saacid, iyadoo qorshuhu yahay in maanta lasoo gaba-gabeeyo doodda.