4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2013
Turjubaan u shaqeynayay Ciidamada AMISOM oo lagu dilay Xaafadda Suuqa Xoolaha iyo Kooxihii dilka u geystay oo la dilay

Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Turjubaan u shaqeynayay Ciidamada AMISOM ayay kooxo hubeysan ku dileen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa iyadoo kooxihii hubeysnaa ee dilkaas geystay iyagana la toogtay.

Wiilka la toogtay oo dhallinyaro ahaa ayaa u turjubaan u ahaa ciidamada ku sugan xerada Maslax ee duleedka Suuqa Xoolaha, waxaana toogtay laba wiil oo dhallinyaro, balse markii ay dileen kaddib ayaa ciidammo goobtaas meel ku dhow ku sugnaa waxay durbadiiba toogteen labadii wiil ee dilka geystay.

“Maydka wiilkii turjubaanka ahaa waan ka qaadnay goobta waana aasnay; balse labadii dilka geystay ma jirto cid goobtii lagu dilay ka qaadday,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Huriwaa, Cumar Jacfaan oo warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, Cumar Jacfaan wuxuu sheegay in tallaabadan ay tahya mid lagu guuleystay in lagu dilo kooxo dhibaato ka waday Muqdisho, isgaoo xusay in tani ay digniin u tahay kooxaha falalka ammaan-darro ka wada degmadaas iyo qaybo ka tirsan Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa turjubaanno u ah dhallinyaro Soomaaliyeed oo bartay luuqadda Sawaaxiliga, kuwaasoo inta badan aan ka bixin saldhigyada ay AMISOM daggan tahay.

Degmada Huriwaa ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal ammaan-darro oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan, kuwaasoo intooda badan ay sheegato Al-shabaab, inkastoo aysan weli ka hadlin dilkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya