5/15/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 2 , 2013
Xildhibaannada Baarlamaanka oo mar kale Maanta ka Doodaya Mooshinka laga keenay Ra'iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisa



Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Maanta ayaa lagu wadaa inay mar kale ka doodaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya mooshinka ka dhanka ah xukuumadda uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Saacid, iyadoo qorshuhu yahay in maanta lasoo gaba-gabeeyo doodda.

Waxaa lagu wadaa inay maanta hadlaan xildhibaannadii ay shalay u suuro-geli wayday inay hadlaan, iyadoo haddii uu dhammaado hadalka xubnahan lagu wado in codka kalsoonida ah loo qaado xukuumadda.

Inkastoo uu socdo kulanka lagu doonayo in codka loogu qaado xukuumadda ayaa haddana waxaa shalay ay xildhibaannadu diideen inay dhageystaan hadal uu u jeedin lahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kaasoo ahaa mid uu isku difaacayo.

Xildhibaanno badan oo ka tirsan baarlamaanka ayaa arrintaas ku sheegay mid khalad ah oo aad looga xumaado, halka kuwo kalena ay ku sheegeen in ay tahay mid sax ah oo xukuumaddu ay tahay mid guul-darreysatay.

Si kastaba ha ahaatee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay ku adkeysanayaan in la siiyo fursad ay isku difaacaan, isagoo xusay in wixii la sameeyo isagoo aan waxba ka ogeyn ay tahay mid aanay waxba ka jirin.

Wararka ku saabsan doodda ay baarlamaanku yeelanayaan iyo wixii kusoo kordha waxaad kula socon doonaa wararkeenna dambe haddii ALLE ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
12/2/2013 12:17 PM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay ra’iisul wasaare Saacid ayaa ku tilmaamay mid dastuuri ah, isagoo sheegay inay xildhibaanada baarlamaanku muujiyeen howl-karnimo iyo mas’uuliyad.

12/2/2013 10:55 AM EST
Ganacsade Maxamuud Xaaji Xassan Askar oo kamid ah ganacsatada waawayn ee Soomaalida ayaa geeri naxdin leh ku tilmaamay dhimashadii Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) oo ahaa diblamaasigii ugu taariikhda dheeraa Soomaaliya soona maray xilal kala duwan oo ay kamid ahayd wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya xilligii dawladii Maxamed Siyaad barre iyo sidoo kale C/laahi Maxamed Mire oo isna soo noqday wasiirkii waxbarashada ee Soomaaliya.

12/2/2013 8:56 AM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo go’aankii baarlamaanka Soomaaliya ee xilka looga qaaday xukuumaddii uu horkacayay ra’iisul wasaare Saacid.

12/2/2013 8:26 AM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Hay’adda la dagaalanka iyo xakameynta cudurka HIV/AIDS, ayaa ka warbixiyey halka uu Somaliland ka marayo cudurkaas, waxaanu sheegay inay dadku soo fahmayaan jiritaanka cudurkan, isla markaana ay dawooyinka si toos ah usoo doontaan.

12/2/2013 7:57 AM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Waxaa lasoo gaba-gabeeyay codeyntii loo qaadayay xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid, iyadoo xildhibaanada ay si aqlabiyad ah codka ugu diideen xukuumadda.

12/2/2013 7:20 AM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in codka kalsoonida loo qaadayo xukuumadda, isagoo sheegay in codku uu noqon doono mid gacan-taag ah.

12/2/2013 6:52 AM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya hadda inay codka kalsoonida u qaadaan xukuumadda Saacid, kaddib markii ay dhammaadeen hadalladii ay jeedinayeen xildhibaannadii ka hadlayay mooshinka baarlamaanka.

12/2/2013 6:39 AM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somali, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aan walba oo kasoo baxa baarlamaanka uu aqbalayo, isagoo mooshinka baarlamaanka laga geeyay ku tilmaamay mid abaabulan.

12/2/2013 2:18 AM EST
Isniin, December 02, 2013 (HOL) — Turjubaan u shaqeynayay Ciidamada AMISOM ayay kooxo hubeysan ku dileen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa iyadoo kooxihii hubeysnaa ee dilkaas geystay iyagana la toogtay.