4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2013
Xildhibaan Xanuun Awgiis Caawa ugu Geeriyooday Magaalada Muqidsho iyo Madaxda Dowladda Somalia oo geeridiisa ka hadlay

Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray, Xasan Maxamuud Cali (Sokoliin) ayaa caawa xanuun awgiis ugu geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid xidhibaanka iyagoo Alle uga baryay inuu jannadiisa ka waraabiyo.

“Waxaan tacsi u dirayaa guddoonka baarlamaanka, ku xigeenadiisa iyo sidoo kale xildhibaannada geeridii ku timid xildhibaan Sokoliin oo caawa Muqdisho ku geeriyooday, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna Samir iyo Iimaan ka siiyo,” ayuu madaxweynuhu ku yiri qoraal uu xafiiskiisa kasoo saaray caawa.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in geeridu ay tahay xaq, isagoo ku tilmaamay xildhibaanka geeriyooday inuu ahaa shaqsi u istaagnaa inuu u adeego Qaranka Soomaaliyeed.  Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay cafiyaan una duceeyaan.

Dhanka kale, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Jawaari oo isaguna soo saaray qoraal tacsi ah ayaa ku sheegay inuu ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayo geerida xildhibaanka, isagoo Alle uga baryay inuu naxariis siiyo.

Xildhibaan Xuseen Sokoliin ayaa goor dhaweyd xanuun muddo hayay awgii ugu geeriyooday hoteelka Muna ee magaalada Muqdisho, waxaana maalinta berri ah lagu aasi doonaa Muqdisho.

Ma ahan xildhibaankii ugu horreeyay oo ka geeriyooda baarlamaanka iyadoo dhawaan uu sidan oo kale xanuun awgiis ugu geeriyooday  dalka Kenya mid ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, dhowr kalena siyaabo kala duwan ay ugu dhinteen Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya