4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2013
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Maanta laga Furay Xafiis lagu Diiwaan-geliyo Shaqaalaha Ajnabiga ah ee Dalka Imaanaya


Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa maanta laga hirgeliyay xafiis cusub oo lagu diiwaan-gelinayo shaqaalaha ajaanibta ah ee dalka imaanaya, isla markaana lagula soconayo howlaha ay dalka ka hayaan.

Munaasabaddii furitaanka xafiiskan ayaa waxaa goob-joog ka ahaa xubno uu ka mid ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshadda xukuumadii hore ee Soomaaliya, Maxamuud Macallin Yaxye, isagoo hadal uu munaasabada ka jeediyay ku sheegay in xafiiskan ay shaqadiisu noqonayso diiwaan-gelinta shaqaalaha ajaanibta ah ee dalka imaaranaya iyo la socodkooda.

“Xafiisku wuxuu ka shaqeyn doonaa u kuur-gelidda warqadaha ruqsada ah ee la siinayo shaqaalaha ajaanibta ah ee dalka imaanaya, si howlaha ay ka qabanayaan dalka loola socdo, wax badan ayuuna Qaranka kusoo kordhin doonaa xafiiskan,” ayuu yiri Macallin Yaxye.

Sidoo kale, waxaa isna goobta ka hadlay agaasimaha guud ee dhallinyarada iyo isboortiga wasaaradda horumarinta adeega bulshada, Aweys Sheekh Xaddaad oo shaqaalaha xafiiska kula dardaarmay inay xilliga shaqadooda si aad ah u ilaaliyaan ayna howsha loo dhiibay u gudtaan si hufnaani ku jirto.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa maareeyaha guud ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, saraakiisha ciidamada ammaanka garoonka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Shaqaalaha ajaanibta ah ayaa waxaa fiisooyinka laga siiyaa xafiiska waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ay ku leedahay gaaroonka diyaaradaha, inkastoo xafiiskan uu yahay mid cusub oo markii ugu horreysay laga hirgelyo gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Tallaabadan ay xukuumaddu qaadday ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli dhawaan uu  u sheegay warbaahinta Muqdisho taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud in ajaanibta dalka ku sugan ay is-diiwaan-geliyaan si loola socdo howlaha ay dalka ka hayaan.

Jen. Gaafow ayaa laba bilood ka hor sheegay in shaqaale badan oo Ajnabi ah oo dalka kusugan ay isi soo diiwaan-geliyeen, isagoo ku goodiyay in kuwa weli aan is-diiwaan-gelin ay si dhasqso leh isku diiwaangeliyaan hddii kale tallaabo sharciga ah laga qaadi doono.

Garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cadde ee Muqidisho ayaa waxaa hadda gacanta ku haysay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo sheegtay inay ku sameyn doonto dib u dhis iyo casriyeyn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya