4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2013
Danjire Nicholas Kay oo ka digay colaadaha gobollada Soomaaliya qaarkood kasoo cusboonaaday baaqna u diray Dowladda


Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — War kasoo baxay xafiiska ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay dagaallada sokeeye ee ka socda qaybo kamid ah gobollada koonfureed ee Soomaaliya  oo ay ku jirto  shabeellada Hoose.

“Waxaan walaac xooggan ka qabnaa dagaallada soo cusboonaaday, waana in si dhaqsa ah looga hortagaa”ayaa lagu yiri qoraalka oo si kooban uga hadlay sida Qaramada Midoobay ay uga walaacsantahay dagaalladaas oo ilaa iyo hadda ay dad badan ku dhinteen.

Sidoo kale waxaa si gaar ah loo xusay in arintan ay keeni karto dib u dhac xagga horumarka ah oo ku yimaada nabadda ka jirta qaybo kamid ah dalka, iyadoo uu sii xoogaysanayo dagaalka maalmihii la soo dhaafay ka soconayay  Shabeellada Hoose iyo meelo kamid ah gobolka Hiiraan.

“Hadii ay fidaan dagaalladan dhibaato hor leh ayey keeni karaan marka waa in sida ugu haboon looga hortagaa,” ayaa ka mid ahaa hadalladi qoraalkaas, waxaana uu Nicholas Kay uu ku baaqay in la xaliyo.

Ergayga ayaa ka digay in ay sii kordhaan qasaaraha dhimasho ee ilaa iyo hadda dhacay, waxaana dhinacyada arintaa ay qusayso uu ku booriyay inay ka wada qayb-qaataan dadaallada socda oo la sheegay in meel fiican ay marayaan

“Dowladda Soomaaliya waa in ay si buuxda u baarto waxa dhacay ayna cadaallada hor keento kuwa jabiyay sharciga, waana in laga hortago wax kasta oo dib u dhac keeni kara “ayaa mar kale lagu xusay qoraalka kasoo baxay xafiiska Nicholas Kay.

Madaxweynahada dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa nasiib darro ku tilmaamay shalay dagaallada ka socda gobollada kala ah Shabeelaha Hoose, Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, isagoo xusay in ay jiraan kooxa doonaya fashilinta dowladda Soomaaliya, isla markaana laga hortagi doono.

Ugu danbayntii dagaallada waqtiyadii la soo dhaafay ka dhacayay gobollada koonfureed ayaa la sheegay in ay galaafteen nolosha boqolaal ruux, isla markaana ay dad badan  ku barakaceen goobaha lagu dagaallamay si ay naftooda ula baxsadaan.

Faysal Mohemed Hassan
[email protected]