Xarakada Al-shabaab oo Sheegtay in ay mar kale dib u Furatay khaanad ay ku lahayd Shabakadda lagu xiriiro ee Twitter-ka
Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Sarkaal u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay dib u furteen khaanaddii ay Twitter-ka ku lahaayeen kaddib laba bilood markii dhowr jeer laga xiray khaanado ay ka furteen shabakaddan ay dadweynuhu ku xiriiraan.
Afhayeenka u hadlay Al-shabaab ayaa Isniintii u sheegay Al-Jazeera TV in boggooda cusub oo lagu magacaabo @HSM_INFO ay ku baahin doonaan wararka ku saabsan dagaallada ay Soomaaliya ka wadaan.
“Ujeeddada aan boggan cusub u furannay waa inaan ku baahinno wararkeenna ku saabsan jihaadka aan ka wadno Soomaaliya, kuwaasoo ay reer galbeedku aadu dhibsadeen si ay u qariyaan wararka aan baahinayno," ayuu sarkaalku u sheegay Al-Jazeera isagoo magaciisa qariyay.
Xukuumadda Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-shabaab ayaa ku baaqday in la xiro boggan cusub ee ay Al-shabaab ka furtay Twitterka, si wararka ay ku baahinayaan loo hakiyo.
Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo la hadlay Al-jazeera TV ayaa sheegay in xukuumaddu ay dalbanayso in la xiro khaanadda ay Al-shabaab ka sameysatay Twitter-ka.
“Dadkan kuwan oo kale ah uma ogolaanayno inay mar kale u istaagaan inay dhallinyarada Soomaaliyeed marin-habaabiyaan. Waana in la xiro,” ayuu Inj. Yariisow ku sheegay wareysiga uu siiyay telefishinka Al-jazeera.
Bishii September ee sanadkan ayaa laga xiray Al-shabaab bog ay Twitter-ka ka sameysatay, kaddib markii ay ku baahiyeen war ay ku sheeganayeen weerarkii lagu qaaday Westgate Mall oo ay ku dhinteen 67-qof oo shacab iyo askar isugu jira.
Maamulka Twitter-ka ayaa horay u sheegay in siyaasadaha ay u dajiyeen shabakaddooda aysan ka mid ahayn in cid gaar ah loogu hanjabo, taasoo keentay in bogaggii ay Al-shabaab ku lahayd dhowr jeer la xiro.
Al-shabaab ayaa markii ugu horreysay ku biirtay Twitter-ka sannadkii 2011 kaddib markii ay dowladda Kenya kumannaan askarteeda milateriga ah u soo dirtay Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan kooxda Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay mas’uul ka tahay weerarro xad-ka-tallow ah iyo afduubyo loo geystay dalxiisayaal iyo shaqaalaha hay’adaha samafalka qaarkood.
Xarakada Al-shabaab oo weli ka talisa deegaanno ku yaalla Soomaaliya ayaa ayaa waxaa sannadihii lasoo dhaafay dagaallo ay horumuud u yihiin ciidanka AMISOM looga qabsaday deegaanno badan oo muhiim ah, kuwaasoo ay ku jiraan Kismaayo iyo Marko oo saldhigyo waaweyn ay ku lahayd.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya