4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2013
Booliiska Waddanka Tanzania oo Xir-xiray Haween Gudniinka Fircooniga ah ku sameeyay Gabadho Qaarkood saddex sano jir ah


Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Booliiska dalka Tanzania ayaa xiray ugu yaraan 38 qof oo dumar u badan, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku sameeyeen gudniinka fircooniga ah koox gabadho ah, kuwaasoo ay ku jireen gabadho da’dooda lagu sheegay saddex sano jir.

Dowladda ayaa booliis u dirtay goobta laga soo xiray dumarkaas kaddib markii lagu war-geliyay in deegaanka uu ka jiray ciyaar dhaqameed laga shakiyay in lagu hoos-qariyo sidii cadaada gudniinka firconiga ah loogu sameyn lahaa haweenka da'da yar.

Waxaa halkaas laga soo xiray waaliddiin, qaraabo iyo dad kale oo looga shakisan yahay inay si sharci darro ah u gudeen 20 gabdhood oo dalka Tansaaniya u dhashay.

Guddoomiyaha degmada Moshi oo ay arrintan ka dhacday, Herman Kapufi ayaa sheegay in qaar ka mid ah gabdhahan la guday ay weli dhiig baxayaan, iydoo dakhaatiir gaar ah ay ka shaqeynaya sidii gabdhahan looga daweyn lahaa dhaawcyada soo gaaray.

Gudniinka Fircooniga ayaa dalka Tanzania laga mamnuucay sannadkii 1998-kii inkastoo ay weli deegaanno dalkaas ka mid ah ka jirto cadaadaan oo ay lagu sheegay mid dhibaatooyin kala duwan ku keenta haweenka.

Dumarka ayaa la sheegayaa in lagu qasbo in la gudo ama ay waayaan cid guursata. Sanad ka hor ayuu Golaha Guud ee Qaramada Midoobay si aan kala har lahayn u meel-mariyay sharci lagu mamnuucayo gudniinka fircooniga.

Inta badan dalalka Afrika ayaa waxaa si aad ah looga isticmaalaan caadada gudniinka fircooniga ah, iyadoo dalalka ay sida aadka ah uga jirto ay ka mid tahay Soomaaliya, inkastoo sannado badan ay ka socdeen wacyi-gelinno ku aaddan joojinta gudniinka fircooniga ah ee haweenka.

Cadaadan ayaa la sheegaa inay caqabad ku tahay xuquuqda dumarka uuna halis gelinayo caafimaadkooda, xilliyada la gudayo iyo marka ay guursadaan ama ay dhalayaan.

Maxamad Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya