4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2013
Afar Dhakhtar oo saddex ka mid ah ay u dhasheen Dalka Suuriya & dhakhar Soomaali ah oo lagu dilay Duleedka Muqdisho

Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Waxaa goor dhow deegaanka Siinka Dheer oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho lagu diley afar dhaqtar oo saddex ka mid ahi ay ahaayeen dhaqaatiir u dhalatay dalka Suuriya, halka midka afraadna uu Soomaali ahaa.

Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in ay jidka u galeen gaari dhaqaatiirtan sidey xilli ay ka tageen magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ku sii jeedeen isbitaal ay ka hawl-galayeen oo lagu magaabo Fiqi, kaas oo ku yaalla isla deegaanka Siinka Dheer.

Kooxda dilka geysatey oo aan weli si rasmi ah haybtooda loo aqoonsan ayaa durbadiiba goobta ka baxsaday, waxaana jira warar sheegaya in ay diriiska ciidamada dowladda ku lebisnaayeen.

Dhowaan ayey ahayd markii sidan oo kale magaalada Muqdisho loogu toogtey macallimad u dhalatay dalka Uganda, taas oo wax ka dhigi jirtey Jaamacadda Soomaaliya oo kamid ah jaamacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho.

Faah faahin ku saabsan dilka dhaqaatiirta dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya