4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2013
Madaxweynaha Somalia oo Waraaqihii aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha Dalka Denmark ee Soomaaliya (SAWIRRO)


Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamud ayaa shalay waraaqihii aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjiraha cusub ee Denmark u joogi doona Soomaaliya, H.E. Geert Aagaard Andersen.

Munaasabad ka dhacday xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa goob-joog ka ahaa wasiiradda arrimaha dibadda Fowziyo Yuusuf X. Aadan iyo mas'uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Danjiraha Denmark ayaa farriin uu uga waday madaxda Denmark goobta ku guddoonsiiyay madaxweynaha, isla markaana sheegay in Denmark ay ka go'an tahay inay Soomaaliya kala shaqeeyo xoojinta xiriirka labada dal iyo taageeridda barnaamijka dowladda iyo aragtida madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyey danjiraha iyo dowladdiisa Denmark, sheegayna in ka guddoomista waraaqaha aqoonsiga ay tahay astaanta si cad u muujinaysa xiriirka labada dal ka dhexeeya, waxaana ku dadaalanaynaa buu yiri sidii loo sii dar-dargelin lahaa xiriirkaas.

Ugu dambeyn, danjiraha Denmark iyo wasiiradda arrimaha dibedda Somalia ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah qabtay kaasoo ay uga hadleen arrimo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal iyo horumarka laga sameeyay dhinaca xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya iyo calaamka intiisa kale.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya