4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2013
Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi oo Malawi lagu guddoonsiiyay Abaal-marin Caalami ah oo Sannadkiiba mar la bixiyo (SAWIRRO)


Arbaco, December 18, 2013 (HOL) — Xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi ayaa shalay lagu guddoonsiiyay billada caalami ah oo ka tarjumaysa ka qaybgalka geeddi-socodka nabadda haweenka Soomaaliya.

Billaddan oo laga soo xulay dadka la siinayo dhammaan Qaaradda Afrika ayaa waxaa isugu soo haray afar haween oo ay ka mid tahay Caasho Xaaji Cilmi, waxaan afartan haween loo aqoonsaday haween isbedel ku sameeyay Afrika gaar ahaan xaqa haweenka.

Abaal-marinta waxaa bixisay madaxweynaha Malawi, Dr. Joyce Banda isla markaana ah guddoomiyaha urur goboleedka SADC. Waxaa lagu xusay sanad-guuradii tobnaad ee kasoo wareegtay dhowrista xuquuqda aadanaha ee Midowga Afrika.

Saddexda haween ee kale oo halay abaalmarintan ayaa waxay kala yihiin: Ms. Forlorunso Alakija (Nigeria) oo ah haweeneyda ugu dhaqaalaha badan Adduunka. Ms. Litha Musyimi Ogana (Kenya) oo ah guddoomiyaha jinsiga iyo baaq-jeedinta. Ms. Anastasia Msosa (Malawi) oo ah haweeneydii ugu horreysay oo ka noqotay madax cadaaladda dalka Malawi iyo Caasho Xaaji Cilmi oo ah xildhibaanad iyo madaxa xarunta horumarinta haweenka SSWC.

Abaalmarintan ayaa ah abaalmarinnada ugu qaalisan Qaarada Afrika waana abaalmarin laga soo shaqeeyo ka hor inta aan la dhiibin.

Dhinaca kale, Caasho Xaaji ayaa la kulan tahay madaxweynaha dalka Malawi  Dr. Joyce Banda iyadoo ku ammaantay doorka Caash Xaaji ay ka qaadatay in haweenka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda. Dr. Banda ayaa mahad-celin u jeedisay Caasho Xaaji oo ay ku tilmaantay hoggaamiye is-badal weyn ku sameysay xaquuqda haweenka Soomaaliya iyo kuwa Afrika.

Xildhibaanad Caasho waxay ku guulaysatay sannadakan 2013-dii biladda African Achievers Awards. Sidoo kale Caasho ayaa sidoo kale ka mid noqotay (500) shanta boqol oo qofood ee dalalka Islaamka ee loo aqoonsaday inay saameyn ku leeyihiin caalamka; isla markaana howl wax ku ool ah ka qabtay waddamadooda.

Sidoo kale, Caasho Xaaji waxay qaadatay 2010-kii Lifetime Achievement for African Peace oo ah bilad shantii sano hal mar la bixiyo; waxaana 2005-tii la siiyay bilddan xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Koofi Anan, waxaana abaalmarintan la siiyaa qof muhiima oo wuxuu qabtay ay muuqdaan.

Sannadii 2009-kii Caasho waxay qaadatay Clinton Global Citizen Award oo ah bilad ay bixiso hay’adda uu madaxda ka yahay madaxweynihii hore Maraykanka Bil Clinton.

Xildhibaanad Caasho Xaaji waxay sidoo kale la guddoonsiiyay abaalmarinno kala duwan, sidoo kale waxaa jira warbixinno iyo muuqaallo badan oo laga diyaariyay howl-karnimadeeda iyo howlaha ay ku difaacayso haweenka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya