4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
Magaalada Bristol oo Bandhig Buugeed Lagu Qabtay (SAWIRRO)


Talaado, 17 December 2013(HOL)—
Magaalada Bristol ee dalka Britain ayaa markii ugu horreysay lagu qabatay bandhig buugeed soconayey laba maalmood oo xiriir ah. Bandhigaas oo ay soo wada qaban qaabiyeen Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali Speaking PEN), Akadimiyad Goboleedka Af soomaaliga (AGA) iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Bristol ayaa waxaa lagu dhigay St. Paul Learning Center waxaana ka soo qeyb galay soomaali fara badan oo  u badnaa waalidiin iyo carruurtooda, ganacsato, macallimiin iyo dhamaan dadka xiiseeya qoraalka iyo afka soomaaliga.

 

Waxaa dadkii halkaa ka hadlay ka mid ahaa Amina Muuse Wehliye oo ah guddoomiye ku xigeenka Somali Speaking PEN oo ka hadashay muhiimadda af soomaaliga haddii ay ahaan lahayd qoritaankiisa iyo akhriskiisaba iyo baahida keentay in la dhowro iyadoo sheegtay in khataro badan ay soo food sareen afkeena hooyo sannadihii ugu dambeeyey taasna ay dhalisay in aqoonyahanno soomaaliyeed ay u istaagaan abuuraanna hay’ado dhowra sida Naadiga Somali Speaking PEN iyo Akademiyadda AGA.

 

Saciid Cali Shire oo wax ka qora arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsida ayaa wuxuu soo bandhigay buugtiisa ay ka midka yihiin Hoggaamiye, Furaha ganacsiga, Bangiyada Islaamiga iyo kuwa kaleba ayaa wuxuu aad uga hadlay hoggaamintu in aysan ahayn oo keliya dhinaca siyaasadda sida ay dad badan u maleynayaan, balse wax walba xitaa sida aad noloshaada  u hagi lahayd aad u baahan tahay hoggaan wanaagsan. Dhinaca kale wuxuu sheegay sida ruuxu noloshiisa kor ugu qaadi karo in ay ka mid tahay in uu wax ka fahmo ganacsiga casriga ah iyo maareyntiisa.

 


Seynab Daahir oo soo saarta buugta carruurtu ka bartaan afka soomaaliga iyo sheeko xariirooyinka ayaa soo bandhigtay qaar ka mid ah qoraaladeedii iyadoo ku dheeraatay dhinaca naxwaha af soomaaliga walidiintii iyo carruurtii halkaa ka soo qeyb gashayna ay ku madadaalisay sheeko xariirooyin soomaaliyeed oo aad u xiisa badnaa.

 

Maamulaha Loohpress oo ah shirkad soo saarta buugta iibisana, Maxamed Cartan ayaa isna halkaa ka soo jeediyey cashar ku saabsan buug soo saaridda, farshaxanka iyo qurxinta buugta kuna dhiirageliyey ka soo qeyb galayaashii in ay isku dayaan in ay ku soo biiraan dadka buugta qora haddii ay awoodaan.

 

Waxaa sidoo kale bandhigga lagu qabtay xarunta Hannah Primary School iyo Complimentry School ee Andalusia oo uu agaasimo Md. Khaliif. Qorayaasha ayaa ka ballan qaaday reer Bristol in ay joogteyn doonaan imaashahooda magaaladaas ugana mahadceliyey dhamaan intii soo abaabushay ee uu ugu horreeyo Cabdirisaaq Daahir  iyo intii ka soo qeyb gashayba.






 


Hashim Duale

[email protected]