4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
Xilligii loo Qabtay in Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya uu ku hortago Golaha Baarlamaanka oo Maanta dib loo dhigay


Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Baarlamaanka federaalka Somalia ayaa maanta ku dhawaaqay in dib loo dhigay xilligii horay loogu qabtay in baarlamaanka uu ku horyimaado ra’iisul wasaaraha Somaaliya ayaa dib loo dhigay, iyadoo ay maalinta berri ah ku beegnayd xilligii horay loogu qabtay.

Xoghayaha guud ee baarlamaanka Soomaaliya, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo maanta gellinkii dambe la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in arrintan ay ku timid arrimo farsamo dibna loogu dhigay xilliga illaa maalinta Sabtida ah ee soo socota.

“Waxaan doonayaa inaan halkan kasoo gudbiyo war guddoonka kasoo baxay oo ah in ra’iisul wasaaraha cusub oo loogu talo-galay in maalinnimada berito ah ay dhacdo uu dib ugu dhacay arrimo farsamo awgeed uuna hor-imaanayo maalinta sabtida ah ee soo socota oo ay bishan ku began tahay 21-ka,” ayuu yiri C/kariin Buux.

Guddoonka golaha baarlamaanka Somalia ayaa toddobaadka horraantiisii ku sheegay qoraal ay soo saareen in madaxweynaha Soomaaliya uu ogolaaday in ra’iisul wasaaraha la horkeeno baarlamaanka 18-ka bishan oo ku beegan maalinta berri ah.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed Maxamed oo la magacaabay Khamiistii lasoo dhaafay ayaa haddii uu helo kalsoonida xildhibaannada baarlamaanka wuxuu si rasmi ah ula wareegi doonaa xilka ra’iisl wasaarenimo ee dalka Soomaaliya.

Magacaabidda ra’iisul wasaarahan cuusb ee Soomaaliya ayaa waxay timid kaddib markii xildhibaannada baarlamaanka ay horraantii bishan ay codka kalsoonida ugu diideen xukuumaddii uu hoggaaminayay ra’iisul wasaare Saacid oo shaqeynaysay halkii sano ee ay jirtay dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya