4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
Dowladda Turkiga oo Maanta Matoorrada dabka-dhaliya ugu deeqday Qaar ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Somalia (SAWIRRO)


Talaado, December 17, 2013 (HOL) —Dowladda Turkiga ayaa maanta qaar ka mid ah jaamacadaha ku yaalla Soomaaliya ugu deeqday matoorro dabka dhaliya oo loogu talogalay inay jaamacaduhu ku daboolaan baahiyahoda dhinaca korontada ah.

Martoorradan ayuu danjiraha dalka Turkiga ee Soomaaliya, Cemalettin Kani Torun wuxuu ku wareejiyay guddoomiyaha guddiga fulinta ee Somali-REN oo ah dallad ay ku mideysan yihiin in ka badan toban jaamacadood oo ku yaalla Soomaaliya.

Guddomiyaha fulinta Somali-REN, Daahir Xasan Cabdi (Carab) oo markii uu la wareegay deeqdan kaddib la hadlay saxaafadda ayaa dowladda Turkiga uga mahad-celiyay kaalmada ay siisay jaamacadaha ku midoobay dalladdan, isagoo tilmaamay inay wax badan ay kusoo kordhinayso tayada waxbarasho ee dalka. Wuxuu sidoo kale xusay in deeqdan matoorrada ah ay wax badan ka caawin doonto jaamacadaha Soomaaliya.

Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Kani Torun oo ka hadlay munaasadda lagu wareejiyay matoorrada oo ka dhacday dekadda Muqdisho ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay markii uu dalka SOmaliayimid ra’iisul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ay hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa dowliga ahba ay ay wadeen gargaar bani’aadamnimo hase yeeshee iminka ay u soo jeesteen dhinaca horumarinta.

“Tani waa qayb ka mid ah deeqaha ay Tukigu u sameeyeen jaamacadaha ka jira Somalia si loo horumariyo howlahooda waxbarashada,” ayuu Turan ku sheegay hadalkiisa. Isagoo xusay in deeqaha noocan oo kale ah ayasan noqon doonin kuwo intan ku eg, balse ay sii socon doonaan.

Dowladda Turkiga ayaa horay dalladan u siisay kambiyuutarro iyo sidoo kale deeqo wax-barasho oo lixdan macallin loogu qaaday dalka Turkiga si ay u soo diyaariyaan heerarka waxbarsho ee Master degree iyo PhD, kuwaasoo qaarkood ay sannadka dambe dalka dib ugu soo laaban doona.

Dalladda Somali-REN waxaa ku mideysan 11 Jaamacadood oo ku kala yaalla Puntland, Somaliland iyo koofurta Soomaaliya, jaamacadahaas oo kala ah: Camuud, Benadir, East African, Gollis, Muqdisho, Puntland State, SIMAD, Burao, Hargeysa, City, Nugaal iyo Machadka Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya