4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
MADAXWEYNAHA PUNTLAND: "Sharci ahaan Magacaabida guddiga ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka Waxaa xaq u leh Dowladda"
 
Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland oo goor dhow shir-saxaafadeed ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa ka warbixiyey kulan uu maanta la yeeshay 17 kamid ah musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Puntland.

Kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayaa kusoo gaba gaboobey natiijo la’aan, kaddib markii madaxweynaha iyo xildhibaanadu ay isku afgaran waayeen mid kamid ah afar qodob oo kulankaas lays kula soo qaaday.

Qodobka muranka dhaliyey ayaa ah in madaxweynuhu uu ogolaado in musharraxiintu ay magacaabaan qaar kamid ah xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaanada, arrintaasoo Madaxweyne Faroole uu ka biyo diidey.

Madaxweynaha ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in sharci ahaan magacaabista guddigaas ay dowladdu leedahay, isagoo beeniyey in doorashooyinkii hore ee Puntland ay guddigaas musharraxiintu wax kasoo magacaabi jireen.

“Magacaabidda guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka sharci ahaan dowladdaa iska leh,  saddexdii doorasho ee hore, saddexdaba dowladda ayaa soo magacowday…” Madaxweynaha Puntland ayaa yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaas raaciyey: “ waxay ku andacoonayaan doorashadii tan ka horreysey oo aan musharraxiinta anigu kamid ahaa in saddex qof nala siiyey, arrintaasi ma jirto, annagaa ku dacwooney laakiin waa nalaka diidey…”

Saddexda qodob ee Madaxweynaha Puntland iyo musharraxiintu ay kulankoodii maanta isku afgarteen ayaa kala ahaa:

  • In la aqbalo goob-joogeyaal caalami ah iyo kuwo maxalli ah.
  • In la magacaabo guddi isimmo ah oo laysula noqdo haddii doorashada lagu murmo.
  • Iyo in la qeexo shaqada labada guddi ee xallinta khilaafaadka iyo isimmada.

Musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Puntland - oo ay tiradoodu 20 kor u dhaafeyso- ayaa horay u sheegay in aysan aqoonsaneyn guddi loo xil saaray xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada baarlamaanka cusub oo dhowaan Madaxweyne Faroole soo magacaabay, iyagoo taas beddelkeeda dhisay guddi kale oo ay sheegeen in uu howshaas qaban doono.

Howsha Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaanada ayaa ah in ay diiwaan geliyaan xildhibaanada cusub, islamarkaana ay hubiyaan in baarlamaanka aanu kamid noqon xildhibaan aan haysan oggolaanshaha beesha uu kasoo jeedo, maadaama ay dhacdo in xilliyada qaar uu beelaha dhexdooda ka dhacdo isqab-qabsi arrintaas la xiriira.

Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66 mudane, iyaga ayaa soo doorta guddoomiyaha golaha wakiillada, madaxweynaha iyo weliba madaxweyne ku-xigeenka.

Dadka ka faallooda siyaasadda Puntland, ayaa sheegay in haddii khilaafka u dhexeeya dowladda iyo musharraxiinta aan sida ugu dhaqsaha badan lagu xallin, ay taasi sababi karto in waqtiga doorashada madaxtinimadu uu dib uga dhoco 8-da bisha January ee sanadka soo socda ee 2014.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya