4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
Dagaallo Maalintii labaad ka socda caasimadda dalka Koonfurta Suudaan ee Jubba oo ay Somali badan Ganacsiyo ku leeyihii


Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Dagaallo maalintii labaad gala ayaa ka socda Jubba oo ah xarunta dalka dalka Koonfurta Suudaan, halkaasoo ay ganacsiyo kala duwan oo fara badan ku haystaan ganacsato Soomaaliyeed, inkastoo aan la sheegin wax dhibaato ah oo loo geystay iyaga iyo ganacsigooda.

Maaalada Jubba ayaa waxaa  ka socda dagaallo culus oo u dhexeeya ciidammo kawada tirsan milateriga dalkaas oo u abaabulan hab beeleed. Iyadoo ay xiran yahay goobaha lagu ganacsado ee caasimadda Jubba.

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo sannadkii 2011 si rasmi ah uga go’ay Suudaan inteeda kale, Salva Kiir ayaa sheegay in dagaalladii shalay Jubba ka dhacay ay ahaayeen kuwo lagu doonayay in isaga lagu afgambiyo.

“Rasaas ayaa weli ka dhacaysa gudaha caasimadda iyo meelaha kale ee ku dhow-dhow, waxaana xiran ganacsiga magaalada, qof walba wuxuu xilligan ku sugan yahay gurgiiisa iyo goobaha kale ee ay dadku gabbaadka u raad-sadeen sida safaaradaha iyo xarumaha qaramada Midoobay iyo xarumaha lagu cibaadeysto,” ayuu yiri ganacsade Soomaaliyeed oo ku sugan Jubba.

Sidoo kale, ganacsadaha ayaa intaas ku daray inaysajn jirin wax dhibaato ah oo loo geystay ganacsatada Soomaaliyeed iyo hantidooda, balse ay walwal ka qabaan in dagaalladan ay noqondaan kuwo isku bedela dagaallo sokeeye taasoo keeni karta in dalka oo dhan ay dhibaato ka dhacdo.

“Marka ay magaaladu dagto ayaan qorshaynaynaa inaan ganacsigeenna dib u furno, mana jirto cid haatan innaga farta si gooni ah noogu fiiqaysan, gabi ahaan dadka dalkan waa kuwo naxsan oo kala cararaya,” ayuu hadalkiisa ku daray ganacsadaha Soomaaliyeed.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu u dhexeeyo taageerayaasha madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfurta Suudaan oo shaqada laga eryay iyo ciidamo taageersan madaxweynaha dalkaas, Salva Kiir kuwaasoo qaab beeleed u dagaalamaya.

Madaxweynaha Koonfurta Suuudaamn Salva Kiir ayaa shalay ku dhawaaqay in bandow la geliyay magaaladaa Jubba ee xarunta Koonfurta Suudaan kaas oo billaaban doona 6:00 maqribnimo ee xilliga dalkaas, soconna doona illaa 6:00 aroornimo ee isla xilliga dalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya