4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
Wejiga Labaad ee Shirka Maamul u Sameynta Gobollada Koonfurta-Galbeed Somalia oo Maanta Baydhabo ka furmay (SAWIRRO)


Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Wejiga labaad ee shirka la doonayo in maamul-goboleedka loogu sameeyo gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, aqoonyahanno, odayada-dhaqanka iyo siyaasiyiin kala duwan ayaa ka qayb-glay furitaanka wajiga labaad ee shirka maamul sameynta.

Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay furitaanka wajiga labaad ee shirka ayaa sheegay inuu ku rajo weyn-yahay in shirkan lagu soo dhiso maamul-goboleed ka kooban lix gobol oo kala ah Bay, Bakool, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Shabeellada Hoose iyo Gedo.

Sidoo kale, Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in dadka kasoo jeeda lixda gobol ee maamulkan hoos-imaan doona ay shirkan u qabteen sidii ay aayahooda uga tashan lahaayeen; ayna uga shaqeyn lahaayeen nabadda iyo horumarka guud ee Soomaaliya.

Waxgarad iyaguna ka hadlay shirka ayaa sheegay in wajigan uu yahay kii ugu dambeeyay oo lagu soo dhisi lahaa maamulka, ayna ka go’an tahay inay sameystaan maamul ay iyagu leeyihiin oo ay ku gor-gor-tami karaan.

Maalmahan ayaa waxaa degmada Baydhabo gaarayay ergooyin kala duwan oo doonaya inay shirka ka qaybgalaan, waxaana ergooyin ka socda gobolka Gedo oo gaaray dorraad Baydhabo hoggaaminayay Maxamuud Sayid Aadan oo horay u soo noqday xidhibaan.

Shirkan ayaa wajigiisii koowaad wuxuu socday dhowrkii bilood ee aynu soo dhaafnay, iyadoo maamulka shirka ay ku sheegeen wajigii koowaad inuu ahaa mid loogu gogol-xaarayay furitaanka wajiga labaad iyo sidoo lagu soo dhisi lahaa maamulka gobollada Koonfur-galbeed ee Soomaaliya.

Dhanka kale, xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku sugan Baydhabo ayaa isagu qaba in maamul goboleedka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya lagu soo koobo saddexda gobol ee kala ah Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, taasoo ay ergooyinka uu shirku u socdo si weyn uga soo horjeesteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya