3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
BASHIIR HOOBALEY: "Qaraxii xalay la igu weeraray saameyn kuma yeelan doono shaqada aan u hayo Shacabka Puntland"

Talaado, December 17, 2013 (HOL) —
Xeer ilaaliyaha maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Bari oo xalay ka badbaadey weerar bambaano oo la doonayey in lagu khaarijiyo, ayaa maanta shir-jaraa’id ku qabtay isla magaalada Boosaaso.

Bashiir Ismaaciil Axmed (Bashiir Hoobaleey) ayaa sheegay in qaraxaas isaga uu dhaawac fududi kasoo gaaray, xilliganna xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid aad u wanaagsan.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in weerarkaas ay ka dambeeyeen dad uu ku tilmaamay nabad diid, kuwaas oo cadow ku ah nabadda iyo xasilloonida ka jirta deegaanada Puntland, taas isagoo ka hadlayey wuuu yiri:

“Waxan aaminsanahay inay yihiin intii qaraxyada hore sameyn jirtey oo kale, oo aan nabadda dalkan iyo mujtamacan noloshooda midna oggoleyn, ma oran karno Islaam bay ahaayeen…”

Ugu dambeyntii, wuxuu sheegay in qaraxani aanu shaqadiisa saameyn ku yeelan doonin, islamarkaana aysan ahayn markii ugu horreysey ee la weeraro balse ay jirtey hadda kahor mar sidan oo kale gaarigiisa qarax loola eegtay.

Qaraxa xalay magaalada Boosaao ka dhacay oo loo adeegsaday bumbo nooca gacanta ah, waxaa lagu tuuray maqaayad ku taalla bannaanka hore ee Hotel Rooble, halkaas oo xarun u ah saraakiisha garsoorka ee ka howlgala maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari.

Hal qof oo dumar ahaa ayaa ku geeriyoodey qaraxaas, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay shan qof oo labo ay dumar yiihiin, iyo saddex kale oo rag ahaa oo ay ku jiraan xeer-ilaaliye Bashiir Hoobaley iyo mid kamid ah garsooreyaasha maxkamadda.

Shantii bishan ayey ahayd markii uu magaalada Boosaaso ka dhacay qarax is-miidaamin ahaa oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Puntland, qaraxaas oo galaaftay nolosha sagaal qof, ku dhowaad afartan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya












Click here
12/17/2013 3:26 PM EST
Talaado, 17 December 2013(HOL)—Magaalada Bristol ee dalka Britain ayaa markii ugu horreysay lagu qabatay bandhig buugeed soconayey laba maalmood oo xiriir ah. Bandhigaas oo ay soo wada qaban qaabiyeen Naadiga Qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed (Somali Speaking PEN), Akadimiyad Goboleedka Af soomaaliga (AGA) iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Bristol ayaa waxaa lagu dhigay St. Paul Learning Center waxaana ka soo qeyb galay soomaali fara badan oo u badnaa waalidiin iyo carruurtooda, ganacsato, macallimiin iyo dhamaan dadka xiiseeya qoraalka iyo afka soomaaliga.

12/17/2013 1:37 PM EST
Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Baarlamaanka federaalka Somalia ayaa maanta ku dhawaaqay in dib loo dhigay xilligii horay loogu qabtay in baarlamaanka uu ku horyimaado ra’iisul wasaaraha Somaaliya ayaa dib loo dhigay, iyadoo ay maalinta berri ah ku beegnayd xilligii horay loogu qabtay.

12/17/2013 1:10 PM EST
Talaado, December 17, 2013 (HOL) —Dowladda Turkiga ayaa maanta qaar ka mid ah jaamacadaha ku yaalla Soomaaliya ugu deeqday matoorro dabka dhaliya oo loogu talogalay inay jaamacaduhu ku daboolaan baahiyahoda dhinaca korontada ah.

12/17/2013 10:58 AM EST
Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland oo goor dhow shir-saxaafadeed ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayaa ka warbixiyey kulan uu maanta la yeeshay 17 kamid ah musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Puntland.

12/17/2013 9:03 AM EST
Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Dagaallo maalintii labaad gala ayaa ka socda Jubba oo ah xarunta dalka dalka Koonfurta Suudaan, halkaasoo ay ganacsiyo kala duwan oo fara badan ku haystaan ganacsato Soomaaliyeed, inkastoo aan la sheegin wax dhibaato ah oo loo geystay iyaga iyo ganacsigooda.

12/17/2013 8:36 AM EST
Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Wejiga labaad ee shirka la doonayo in maamul-goboleedka loogu sameeyo gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

12/17/2013 7:40 AM EST
Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Shir ay Murashaxiinta Puntland oo uu ku jiray madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ay maanta oo Salaaso ah ku yeesheen xarunta Puntland ee Garoowe ayaa la isku khilaafay isla markaasna lagu soo kala tagay, xilli la isku qabtay qodobbadii la isla hor-fariistay.

12/17/2013 6:37 AM EST
Talaado, December 17, 2013(HOL) :- Iyadoo dhawaan madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud uu u magacaabay xilka raysul wasaaraha dalka mudane C/weli Sheekh Axmewd Max’ed ayaa waxa soo baxayay talooyin kala duwan oo ku aadan shaqada raysul wasaaraha cusub oo ay jiidanayeen aqoonyaahanno iyo siyaasiyiin Soomaaaliyeed.

12/17/2013 5:44 AM EST
Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Kulan looga hadlayay qaabka dhallinyarada ku nool 17-ka degmo ee gobolka Banaadir u taageeri karaan xukuumadda cusub si nabad-galyada loo adkeeyo ayaa maanta ka dhacay Xarunta degmada Shingaani ee gobolka Banaadir.

12/17/2013 5:14 AM EST
Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe oo xarun u ah maamulka Puntland, gaar ahaan madaxtooyada ayaa waxaa hadda ka socda shir ay wada-qaadanayaan musharraxiinta u tartamaysa xilka madaxnimo ee Puntland iyo madaxweyne Faroole.

12/17/2013 3:50 AM EST
Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Salax Annadif ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu madaxweyne Xassan Sheekh ugu magacaabay Cabdiwali Sheekh Axmed in uu noqdo raysul-wasaaraha dalka, kaasoo badali doona raysul-wasaaraha xilka ka sii dagaya ee Cabdi Faarax Shirdoon.

12/17/2013 3:40 AM EST
Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Shir looga hadlayo dhisidda kalsooni & is-fahamka indheergaradka Soomaaliyeed iyo ciidamad AMISOM ayaa shalay ka furmay magaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda, kaasoo ay ka qayb-galayaan ergooyin kala duwan.

12/17/2013 2:38 AM EST
Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay colaadaha iyo dagaallada kasoo cusboonaaday deegaannada qaarkood, isagoo tacsi u diray dhammaan shacabkii ay waxyeelladu kasoo gaartay dagaallada.

12/17/2013 2:08 AM EST
Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Booliiska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa xalay ka qabqabtay tiro dhallinyaro ah oo ay ku tuhmeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab xaafado ka tirsan degmada.

12/17/2013 1:43 AM EST
Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaaraha cusub, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed inuu soo magacaabo gole wasiirro oo wajiyo cusub ah, iyagoo ka digay in xilalka lagu soo celiyo wasiirradii hore ee la shaqeynayay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

12/17/2013 1:15 AM EST
Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha hay'adda culumada Soomaaliyeed, Sh. Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay beelaha ku dagalaamay gobolka Shabeellada Hoose inay si shuruud la’aan ah xabadda ku joojiyaan, isagoo sheegay in dagaal sokeeye uusan faa’iido lahayn adduun iyo aakhiro.