4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
Qaar ka Tirsan xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Talooyin u soo jeediyay Ra'iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya

Talaado, December 17, 2013(HOL) :- Iyadoo dhawaan madaxweeynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud uu u magacaabay xilka raysul wasaaraha dalka mudane C/weli Sheekh Axmewd Max’ed ayaa waxa soo baxayay talooyin kala duwan oo ku aadan shaqada raysul wasaaraha cusub oo ay jiidanayeen aqoonyaahanno iyo siyaasiyiin Soomaaaliyeed.

Xildhibaan C/laahi Xasan Rooble oo ah hab dhowaraha baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadlay sida ay ula muuqato inuu tallaabadiisa koobaad ka dhigto raysalwasaare C/weli  sheekh Axmed,  isagoo kula dardaarmay  inuu diirada saaro dhinaca dhaqaalaha oo uu tilmaamay inay wax weyn ka tari karto dhinacyada amniga iyo weliba shaqo la’aanta jirta.

“ Waxaa haboon inuu raysalwasaruhu bays (Aasaas)  ka dhigto kobcinta dhaqaalaha, taasoo wax weyn ka tari karta amni xumada , waayo dadka dhalinyarada ah hadii shaqo ama dhaqaale loo abuuro waxaa yaraanaya dhibaatooyinka amni xumada keeni kara ‘’ ayuu yiri xildhibaan C/laahi Xasan Rooble .

Dhinaca kale xildhibaan Caadil Sheegoow Sagaar oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay inay haboon tahay inuu tallaabada ugu horaysa ee uu qaadan karaa raysalwasaaruhu ay noqoto wax ka qabashada amaanka oo uu sheegay xildhibaanku in amni la’aan aan la noolaan karin, islamarkaana loo baahan yahay in amni la helo

Si kastaba ha ahaatee talo soo jeedinta kasoo baxday qaar ka tirsan xildhibanada  Soomaaliya ayaa kusoo beegmaysa xili la filayo in dhawaan baarlamaanka federaalka  Soomaaliya la horkeeno raysalwasaare C/weli, si ay u ansixiyaan islamarkaana lasii amba qaado shaqada dheer ee sugaysa xukuumada imaan doonta.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.