4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
Wakiilka ururka Midowga Afrika ee Somalia oo soo dhaweeyay magacaabida Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sh. Axmed


Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Salax Annadif  ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu madaxweyne Xassan Sheekh  ugu magacaabay Cabdiwali Sheekh Axmed in uu noqdo raysul-wasaaraha dalka, kaasoo badali doona raysul-wasaaraha xilka ka sii dagaya ee Cabdi Faarax Shirdoon.

Waxaa wakIilka uu hambalyo u diray raysul-wasaaraha cusub, isagoo xusay in C/weli Sheekh uu yahay masuul xilkaas ka soo bixi kara, kaasoo wadanka ka saari kara dhibaatooyinkii  ka dhashay dagaalladii sokeeye.

“Arrin loo baahnaa ayay ahayd in la helo hoggaan wanaagsan oo dhinaca dowladda ah, anigoo og muhiimadda ay leedahay in la helo ra’iisul wasaaraha shaqada horey u wada,” ayuu yiri Maxamed Saalax Annadif mar uu ka hadlayay isbadallada siyaasadeed ee Soomaaliya ka dhacay.

Sidoo kale masuulkan ayaa sheegay in raysul-wasaaraha cusub uu karti u leeyahay in laga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee wadanka uu ku jiray waayahan, isagoo dowladda Soomaaliya ku ammaanay guuulaha illaa iyo hadda la gaaray.

“In laga hadlo ma ahan CV-giisa balse waan hubaa in ay horey u socon karto shaqada xafiiskiisa marka uu la wareego,“ ayuu hadalkiisa ku daray Annadif, waxaana uu xusay in Midowga Afrika uu kaalin buuxda ku leeyahay xasilinta guud ahaan Soomaaliya.

Wakiilka ayaa si gaar ah uga hadlay guulaha ciidamada Amisom ay ka gaareen dagaalladii ay la galeeen Al-shabaab, waxaana uu ugu baaqay dhinacyada Soomaalida in ay ka qayb-qaataan dadaallada hadda socda ee lagu taageerayo dowladda.

Guddiga joogtada ah ee Barlamanka Soomaaliya ayaa horey u sheegay in maalinimada arbacada ah uu baralamanka hor-iman doono ra’iisul wasaaraha cusub si codka kalsoonida loo siiyo, waxaana hadii la ansixiyo horyaalla shaqooyin badan oo ay ka mid tahay horumarinta dhaqaalaha dalka iyo wax ka qabashada amniga.

Faysal Maxamed Hassan
[email protected]