4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
Shir lagu dhisayo Is-fahamka dhexmara Indheer-garadka Soomaaliyeed iyo Ciidamada AMISOM oo ka furmay Kigali (SAWIRRO)


Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Shir looga hadlayo dhisidda kalsooni & is-fahamka indheergaradka Soomaaliyeed iyo ciidamad AMISOM ayaa shalay ka furmay magaalada Kigali ee xarunta dalka Rwanda, kaasoo ay ka qayb-galayaan ergooyin kala duwan.

War-murtiyeed kasoo baxay shirka ayaa lagu sheegay in qodobbada shirka looga hadlayo ay ka mid yihiin sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ay Al-shabaab ka geysanayso gudaha Soomaaliya iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

“Weerarka ay Al-shabaab ku qaaday dhismaha ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi waa mid muujinaya sida axmaqnimada ah ee Al-shabaab ay u laynayso dad aan waxba galabsan,” ayaa lagu yiri qoraal shirka furidiisa kasoo baxay.

Sidoo kale, waxaa lagu cambaareeyay shirka weerarradii ay Al-shabaab ka geysatay deegaannada Puntland, kuwaasoo lagu sheegay inay ahaayeen kuwo fulaynimo ah oo lagu dhibaateynayo dad rayid ah iyo xubnaha kala duwan ee maamulka.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale laga sheegay in ciidamada AMISOM ay ka gaareen guulo la taaban karo dagaalladii ay la galeen Al-shabaab, kuwaas oo la sheegay in dhul ballaaran looga qabsaday Al-shabaab, inkastoo ay weli ku sugan yihiin baa la sheegay dhul ka mid ah Soomaaliya.

Qodobbada diiradda lagu saarayo shirka ayaa waxaa ugu muhiimsan laba qodob oo kala ah: Sidee lagu xoojin karaa guulaha ay AMISOM ka gaartay howgallada ay ka waddo Soomaaliya iyo Sidii loo dhisi lahaa wada-shaqeyn dhexmarta waxgaradka Soomaaliyeed iyo qaybaha rayidka ah ee AMISOM.

Inta lagu jiro kulanka ka qayb-galayaashu waxay ka doodi su’aalo ay ka mid yihiin: Sida loo adkeyn karo xiriirka u dhexeeya AMISOM iyo waxgaradka Soomaaliya. Sida looga wada shaqeyn karo xoojinta ammaanka Soomaaliya iyo sidii looga wacyi-gelin lahaa bulshada Soomaaliyeed fikradaha ay kooxda Al-shabaab ka dhaadhicinayso.

Ugu dambeyn, waxaa lagu wadaa in dhinacyada shirka ka qaybgalaya ay ka soo saaraan war-murtiyeed loo dhan yaha, kasoo la filayo in lagu soo daro sidii gacan looga siin lahaa dowladda hirgelinta lixda qodob ee uu horay ugu dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkan oo lasoo gaba-gabeynayo berri oo Arbaco ah ayaa noqon doona mid ay casharro ka bartaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan sidii ay xal ugu heli lahaayeen khilaafaadyada dhaca iyo sidii dib u dhis loogu sameyn Somalia oo dhan.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya