4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
Dhallinyaro lagu Tuhmay inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab oo xalay lagu Qab-qabtay Degmada Hodan ee Muqdisho

Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Booliiska degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa xalay ka qabqabtay tiro dhallinyaro ah oo ay ku tuhmeen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab xaafado ka tirsan degmada.

Taliyaha booliiska saldhigga degmada Hodan, Col. Maxamed Daahir ayaa u sheegay inuu howlgalku ahaa mid ay kusoo qabqabteen tiro dhallinyaro ah oo qaarkood hubeysan iyo kuwo aan hubeysnayn, balse ka tirsan Al-shabaab.

“Alle mahaddii waxaa inoo suuro-gashay inaan xalay gacanta kusoo dhigno dhallinyaro ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ku dhuumaaleysanayay xaafado ka tirsan degmada Hodan,” ayuu yiri taliyaha booliiska degmada Hodan.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in dadka ay qabqabteen ay qaarkood wateen hub kala duwan, qaar kalena ay qorsheynayeen howlgallo degmada ay ka fuliyaan, balse taas ay ka hortageen.

“Dhallinyarada aan soo qab-qabannay qaarkood hub ayay wateen kuwa kalena waxay isku diyaariyeen inay falal ammaan-darro degmada, dhammaantood waxay ahaayeen unugyo ka tirsan Al-shabaab oo degmada ku dhuumaaleysanayay,” ayuu yiri taliyaha saldhigga booliiska Hodan.

Taliyaha ayaa hadalkiisa ku daray in dhallinyaradan oo dhan maxkamad hor-geyn doonaan, isagoo aan sheegin in loo kala saarayo kuwo dambi leh iyo kuwo aan dambi lahayn.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmayaa iyadoo habeennadii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen Muqdisho iskahorimaadyo iyo falal kale oo ka dhan ah amniga, iyadoo habeen hore weerar culus lagu qaaday saldhig ciidamada dowladdu ay ku leeyihiin xaafadda Carrafaat ee degmada Yaaqshiid.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee xukuumaddii hore ee Soomaaliya ayaa waxay horay u sheegtay inay burburisay shabakaddo isku xiran oo ay Al-shabaab ku lahayd degmooyinka gobolka Banaadir.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya