4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2013
SHEEKH BASHIIR AXMED SALAAD: “Dowladdu Waa inay Qaadato Doorkeeda ku aaddan Joojinta Colaadda Shabeellada Hoose”


Talaado, December 17, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha hay'adda culumada Soomaaliyeed, Sh. Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay beelaha ku dagalaamay gobolka Shabeellada Hoose inay si shuruud la’aan ah xabadda ku joojiyaan, isagoo sheegay in dagaal sokeeye uusan faa’iido lahayn adduun iyo aakhiro.

Wadaadkan ayaa uga digay shacabka Soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan in dagaalladaas ay afkooda ku huriyaan ama ay adin ahaan uga qayb-qaataan wuxuuna xusay in taasi ay qofka ku keenayso cawaaqib-xumo Adduun iyo Aakhiro ah.

“Dowladda Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa inay qaadato doorka kaga aaddan joojinta colaadda gobolka Shabeellada Hoose ka socota, ayna u muuqato dowladdu mid ciidan ahaan iyo maamul ahaan lagu kalsoonaan karo,” ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed.

Sidoo kale, guddoomiyaha hay’adda culummada Soomaaliyeed ayaa intaa ku daray in loo baahan yahay in la sameeyo wacyi-gelinno ku aaddan sidii looga digtoonaan lahaa dagaallada sokeeye ee noocan oo kale ah.

“Anigu waxaan ku talinayaa in dadka wacyi-gelinno loo sameeyo, bahalkan la yiraahdo federaalka oo dadka lagu jahwareeriyayna sharraxaad laga siiyo shacabka Soomaaliyeed, maadaama beelaha qaarkood ay u arkeen in beel walba ay deegaankeeda ku noqonayso federal,” ayuu Sheekhu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha hay’adda culummada Soomaaliyeed ayaa si faahfaasan uga warbixiyay dhibaatooyinkii ay reebeen dagaallada beelaha ku saleysan ee ka dhacayay Soomaaliya 22-kii sano ee ugu dambeeyay, isagoo sheegay in laga dhaxlay oo keliya dhiig daatay iyo burbur, balse aysan jirin wax horumar ah oo lagu gaaray.

Hadalka Sheekh Bashiir ayaa imaanaya iyadoo maalmahan ay ka socdeen gobolka Shabeellada Hoose deegaanno ka tiran dagaallo ay ku dhinteen in ku dhow labaatan qof, kuwaasoo u dhexeeyo beelo uu in muddo ah khilaaf u dhexeeyay, kuwaasoo gacan ka helaya ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya