4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2013
Madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya oo daldalay Adeerkii kaasoo la sheegay in lagu helay inuu qorsheynayay Af-gambi


Jimco, December 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka shuuciga ah ee Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong-un ayaa dilay adeerkii kaddib markii lagu helay inuu doonayay inuu awoodda dalkaas si xoog ah kula wareego.

Jang Song-taek oo adeer u ahaa madaxweynaha waqooyiga Kuuriya ayaa ahaa nin awood badan ku leh dalkaas, waxaana xukunka daldalaaddiisa ku dhawaaqday maxkamad milateri oo gaar ah.

Wakaaladda wararka waqooyiga Kuuriya ayaa baahisay in Song-taek lagu fuliyay xukun dil ah, iyadoo wakaaladdu ay sheegtay in hoggaamiyahaas oo awood ku dhex lahaa dowladda uu ahaa mid ka liita xayawaanka.

Hoggaamiyaha waqooyiga Kuuriya oo dhowr iyo labaatan jir ah ayaa kala wareegay xukunka dalkaas aabbihii oo sannadkii hore geeriyooday, isagoo noqday hoggaamiyaha ugu da’da yar dunida ee xukun qabta.

Caalamka ayaa si aad ah uga walaacay warka ku saabsn dilka lagu fuliyay ninka adeerka u ahaa hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya, iyadoo dunidu ay aad uga walaacsan tahay xasillooni-darro ka dhacda dalkaas oo haysta hubka halista ah ee Nukliyeerka.

Madaxweynaha Koonfurta Kuuriya, Geun-Hye ayaa ku eedeeyey Waqooyiga Kuuriya inay fuliyeen xukun argagax leh. Isagoo intaas ku daray in tani ay caddeyn u tahay in dalkaas aysan ka jirin wax naxariis ah.

Horraantii toddobaadkan ayay ciidan ilaalo u ah Kim Jong-un waxay kasoo saareen Jang Song-taek shir gaar ah oo uu lahaa xisbiga shuuciga ah ee talada dalkaas haya.

Wakaaladda wararka woqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in Jang Song-taek uu ka xun yahay xayawaanka eyga ah, iyadoo hoggaamiyahan uu tababar dhinaca xukunka ah siiyay hoggaamiyaha da’da yar ee dalkaas Kim Jong-un.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya