3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2013
Garsoore Soomaaliyeed oo dhexdhexaadiyay ciyaar Final ahayd oo Xulalka Kenya iyo Suudaan Dhex-martay (SAWIRRO)


Jimco, December 13, 2013 (HOL) — Garsoore Soomaaliyeed ayaa ciyaar dhexmartay xulalka dalalka Kenya iyo Suudaan oo ahayd ciyaartii kama dambeysta ahayd ee koobka bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAF oo ka socday dalka Kenya.

Garsoore Xasan Xaadan Xaaji Yabarow Wiish ayaa ah garsoore aad looga yaqaan Kubadda Cagta Afrika iyo waliba tan adduunka, waxaana saxaafadda oo dhan ay hadal hayeen khibradda uu ku maamulayay ciyaartii dhexmartay xulalka Kenya iyo Suudaan.

“Ciyaarta waxaan u adeegsaday khibradayda runtii waxey ahayd mid is-qab-qabsi badneyd ilaah ayaana iga caawiyay howshayda,” ayuu yiri Xasan Wiish oo la hadlayay BBC-da, isagoo xusay in kulammada caynkan oo kale ah ay yihiin kuwa aad u adag.

Kulankaas wuxuu kusoo dhammaaday 2-0 oo xulka Kenya ay ku qaaday koobka bartamaha iyo Bariga Africa ,waana kulankii afaraad oo ka tirsan koobkan oo garsoore Xasan Aadan Yabarow Wiish uu dhex-dhexaadiyo ka noqdo tan iyo  waqtigi la soo bilaabay.

Sidoo kale garsooraha ayaa sheegay in shaqadan ay u baahantahay khibrad badan ,isla markaana aysan suurtagal ahayn in qof kasta oo u dhex-dhexaadiyo kulamadan oo kale ,isagoo u mahad-celiyay FIFA oo shaqaalaheeda uu ka tirsanyahay.

Xulka kubadda cagta Soomaaliya koobkan wax natiijo ah kama keenin seddexdii kulan ee ay ciyaareen ,inkastoo ay soo bandhigeen ciyaaro aad loo jeclaystay oo la arki karayay sida ciyaaryahanada Soomaaliya ay guulo u gaari karaan waqtiyada xiga.

Ugu danbayntii garsoore Wiish ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay kubadda cagta Soomaaliya ,isagoo ammaan gaar ah u jeediyay xiriirka kubadda cagta dalkeena oo horumar ballaaran sameeyay mudooyinkan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]













Click here
12/13/2013 1:41 PM EST
Jimco, December 13, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dalka shuuciga ah ee Waqooyiga Kuuriya, Kim Jong-un ayaa dilay adeerkii kaddib markii lagu helay inuu doonayay inuu awoodda dalkaas si xoog ah kula wareego.

12/13/2013 12:30 PM EST
Jimco, December 13, 2013 (HOL) — Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif ayaa ka hadlay maanta dagaal beelo walaalo ah ku dhexmaray tuulada Kabxanleey ee gobolka Hiiraan oo qiyaastii 40-km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Baladweyne.

12/13/2013 3:28 AM EST
Jimco, December 13, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo ku toogtay sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulka KMG ah ee Jubba, iyadoo dilka kaddib ay kooxaha goobta ka baxsadeen.

12/13/2013 3:19 AM EST
Jimco, December 13, 2013 (HOL) — Saddex cunug oo walaalo ah ayaa ku dhintay dab ka kacay guri ku yaalla xerada qoxootiga Kaakuma ee dalka Kenya, caruurtaas oo la sheegay inay guriga dhexdiisa ku xirnaayeen xilligii uu dabku kacayay.

12/13/2013 1:51 AM EST
Jimco, December 13, 2013 (HOL) — Dibadbax lagu taageerayo ra’iisul waasaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa saakay ka socda degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoo sidoo kalena ay ka hadleen magacaabistiisa qaybaha bulshada Soomaaliyeed.