4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2013
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka Hadlay dagaalladii ka dhacay Tuulada Kabxaleey ee Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Jimco, December 13, 2013 (HOL) — Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif ayaa ka hadlay maanta dagaal beelo walaalo ah ku dhexmaray tuulada Kabxanleey ee gobolka Hiiraan oo qiyaastii 40-km dhinaca waqooyi kaga beegan magaalada Baladweyne.

Ugaaska beesha Xawaadle ayaa ku baaqay in si dhaqso ah lagu joojiyo colaadaha, isagoo ganacsatada iyo waxgaradka gobolka ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan ula gar-gaar isugu jira cunno iyo dawo ula gaaraan dadka ay dagaalladaas saameyeen.

“Waxaan ku baaqayaa beelihii dagaallamay inay xabbada si deg-deg ah ku joojiyaan oo ay ku xalliyaan khilaafkooda wadahadal iyo nabad,” ayuu Ugaasku ka sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta ugu qabtay Muqdisho.

Qodobbadii kale ee ugaasku uu kaga hadlay shirkiisa jaraa'id ayaa waaxaa ka mid ahaa inuu tacsi u dirayo dadkii ku dhintay dagaalladaas, sidoo kalena kuwii kale ee ku dhaawacmay uu u rajeynayo caafimaad deg-deg ah.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sidoo kale, waxaa kulanka laga sheegay in Muqdisho laga dirayo guddi tagaya Baladweyne kuwaasoo ujeeddadoodu tahay sidii ay u hirgelin lahaayeen xabad-joojin la dhex-dhigo labada beeleed ee ay colaaddu u dhexeyso, sidoo kalena gargaar loo gaarsiin lahaa dadkii ay dagaalladaas saameynta ku yeesheen.

“Dagaalku ma ahan xabbad keliya ee waa in la joojiyo iyagana wararka xanafta leh ee lasii marinayo qalalbka warbaahinta, kuwaasoo sababi kara in colaaddu ay noqoto mid daba-dheeraata,” ayuu hadalkiisa ku daray Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble.

Dhanka kale, waxaa goobta ka hadlay nabaddoonno ay ka mid ahaayeen: Sheekh Abuukar, Maxamed Xasan iyo Ibraahim Guure, iyagoo ka hadlay waxay diinta Islaamku ka qabto dad walaalo ah oo is-dila iyo in loo baahan yahay in dadka gobolka Hiiraan ku nool ay si nabadgalyo ah kuwada noolaadaan.

Dagaalkii ka dhacay deegaanka Kabxaleey oo u dhexeeyay beelo walaalo ah oo isku haysta dhul-beereed ayaa waxaa dagaalkoodaas ku dhintay lix qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen sagaal qof oo kale, kuwaasoo dhaawacyadooda lasoo gaarsiiyay isbitaalka degmada Baladweyne.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya