4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 13, 2013
Caruur walaalo ahaa oo ku geeriyooday dab si lama filaan ah uga kacay guri ku yaalla Xerada Qoxootiga Kaakumo ee Kenya

Jimco, December 13, 2013 (HOL) — Saddex cunug oo walaalo ah ayaa ku dhintay dab ka kacay guri ku yaalla xerada qoxootiga Kaakuma ee dalka Kenya, caruurtaas oo la sheegay inay guriga dhexdiisa ku xirnaayeen xilligii uu dabku kacayay.

Caruurtan oo ahaa laba wiil iyo gabar walaalo ah ayaa ku geeriyooday dabka waxaana ay dhammaantood ahaayeen Soomaali, iyadoo dabkan khasaaraha dhimasho u geystay caruurta uu kacay maalintii Arbacada ahayd ee la soo dhaafay.

“Gabar yar oo shan sano jir ah ayaa ka badbaaday dabka, saddex kalena way ku dhinteen,” ayay tiri Ubax Nuur oo ka mid ah Soomaalida ku jira xerada qoxootiga Kaakuma ee dalka Kenya.

Sidoo kale, goobjoogayaal ayaa sheegay in xilliga uu guriga dabku qabsaday uu xirnaa, waxaana la sheegay in saddexda cunug ee dhintay ay lugaha ka xirnaayeen, taasna ay keentay inay halkaas ku bas-beelaan.

“Dadka deegaanka ayaa guriga jabiyay, nasiib-darro saddex caruurta ah waa dhinteen, balse gabar oo ku jirtay qol kale ayaa la badbaadiyay. Tani waxay ahayd musiibo dadka oo dhan ka nixisay,” ayuu yiri Cumar Salaad oo ka mid ah qoxootiga xeradaas ku nool.

Booliiska dalka Kenya ayaa billaabay baaritanno ay ku xaqiijinayaan sababta keentay in dabka uu kaco, iyadoo waalidka carruurta ay dhimatay ay aad u niyad-jabeen markii loo sheegay in carruurtoodii ay ku dhinteen dabka.

Xerada qoxootiga Kaakuma oo ku taalla galbeedka dalka Kenya ayaa waxaa ku nool qoxooti fara badan oo Soomaaliyeed, iyadoo musiibadan ay tahay tii ugu horreysay nooceeda oo xeradaas ka dhacda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya