4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku baaqay in la joojiyo colaadaha ka taagan Gobollada Dalka Qaarkood lana Wadahadlo


Axad, December 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku baaqay in joojiyo colaadaha ka taagan gobollada Shabeellada Dhexe, Sool, Hiiraan iyo kuwo kale isagoo dhinacyada dagaalamaya ka dalbaday inay khilaafkooda ku xaliyaan nabad iyo wadahadal.

Degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa waxaa maalmo ka hor uu dagaal ku dhexmaray ciidammo kala taabacsan maamullada Puntland iyo Khaatumo, kuwaasoo geystay dhimashada ugu yaraan 10-qof  iyo dhaawac fara badan.

“Waxaa ku baaqayaa in la joojiyo colaadaha ka taagan gobolla dalka qaar ka mid, gaar ahaan Sool, Shabeellada dhexe iyo Hiiraan, waxaana kooxaha is-haya ugu baaqayaa inay khilaafaadyadooda nabad ku xalliyaan intii ay isku qaadan lahaayeen xabad,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo si gaar ah uga hadlay dagaalkii ka dhacay Taleex ayaa ku tilmaamay mid nasiib-darro ah, isagoo sheegay in si dhaqso ah lagu joojiyo, isla markaana ugu baaqayo walaalaha degmada Taleex inay si ay nabadi ku jirto u dhameeyaan khilaafka iyo muranka u dhexeeya.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadaha ka taagan gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan iyo gobolada kale ee dalka, wuxuuuna madaxweynuhu ka hadlay dhibaatooyinka iyo khasaaraha laga dhaxlo dagaallada sokeeye.

“Dagaal sokeeye waad ogtihiin dhibaatada uu reebay, waxaana loo baahan yahay in tusaale laga dhigto dhibaatooyinkii horay u dhacay laguna dadaalo in wadahadal iyo walaalnimo lagu dhameeyo khilaaf walba oo yimaada,” ayuu madaxweynuhu yiri.

Baaqa madaxweynaha ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo weli ay xiisad dagaal ka taagan tahay degmada Taleex taasoo u dhexeysa ciidammo ka kala tirsan maamullada Puntland iyo Khaatumo uu uu khilaaf soo dhexgalay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya