4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
Wasiirka Kheyraadka Dalka oo Maanta la kulmay Wafdi ka socday Hay’adda Cunnada iyo Beeraha Adduunka ee FAO (SAWIRRO)


Axad, December 01, 2013 (HOL) — Wasiirka Kheyraadka dalka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO, iyagoo kawada hadlay horumarinta kheyraadka dalka, gaar ahaan xoojinta wax-soo-saarka badda sida kalluumeysiga.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay agaasimaha FAO ahna la taliyaha hey’adda ee dhinaca kalluumeysiga, Stephen J Akester ayaa muujiyay inay diyaar u yihiin inay gacan ka geystaan horumarinta kalluumeysiga Soomaaliya iyo isku-xirka tababbarrada la xiriira kalluumeysiga.

Mr. J Akester ayaa ballan-qaaday  in mashaariic la xiriira arrimahan ay ka fulin doonaan Soomaaliya, ayna isku soo noqon doonaan iyaga wasiirka wixii fasaxa sannadka cusub kaddib.

Wasiirka Kheyraadka dalka oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga saacido Soomaaliya arrimo badan oo ay ugu horreyso kalluumeysiga oo uu tilmaamay in dalkeenna uu hodan ku yahay, waxaana uu ballan-qaaday in dhankooda ay ka shaqeyn doonaan arrimaha la xiriira horumarinta kalluumeysiga dalka.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli laba toddobaad ka hor uu ka qaybgalay wasiirku dalka shir looga hadlayay kobcinta kheyraadka dalka sida beeraha, kalluumeysiga iyo xoolaha.

Ugu dambey, wasiirka wuxuu sheegay in howlahan ay qayb ka yihiin qorshe lagu doonayo in lagu horumariyo wax-soo-saarka dalka, taasoo qorsheyaal u dajisay wasaaraddiisa.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya