3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
RA’IISUL WASAARAHA SOMALIA: "Xukuumaddu waxay ku adkaysanaysaa in la siiyo Fursad ay isaga Difaacdo eedeymaha"


Axad, December 01, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa sheegay in xukuuumaddu ay ku adkeysanayso in la siiyo fursad ay isku difaacdo, maadaama uu mooshin ka horyaallo golaha shacabka.

“Eedaymaha ku xusan mooshinka lagu doonayo in xukuumadda kalsoonida lagala laabto ma aha kuwo xaqiiqda dhabtaa ku saleysan. Waxaa maqan xog-ogaalnimo rasmi ah,” ayuu ra’iisul wasaare Saacid ku warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Axad ah.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta diiday codsi uu soo gudbiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax oo ahaa inuu hadal uu ku sharraxayo waxqabadka xukuumaddiisu uu ka jeediyo baarlamankaa hortiisa.

Mudane Saacid oo ayaa qoraalkiisa ku sheegay in si waafaqsan cadaaladda dabiiciga ah (Natural Justice) iyo shuruucda dalkaba ay xukuumaddu soo diyaarisay qoraal waafi ah ee ay uga jawaabayso dhammaan eedaymaha loo soo jeediyay ee ku xusan mooshinka oo keeni kara qaneecaad iyo kalsooni dhisid buuxda.

“Xukuumad ahaan waxaan golaha baarlamaanka ee sharafta leh mar labaad ka codsanaynaa in naloo ogolaado fursad nalagu dhagaysto si aan isaga difaacno eedaymaha naloo soo jeediyay. Go'aan kasta oo la gaaro annagoo maqan waa mid ku dhisan malo-awaal,” ayuu Saacid ku yiri qoraalkiisa.

Hadalkan kasoo baxay ra’iisul waasaraha Somalia ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay socoto doodda mooshinka ka dhanka ah isaga iyo xukuumaddiisa, kaasoo lagu wado in berri oo Isniin lasoo gaba-gabeeyo codkana loogu qaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/1/2013 1:32 PM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay go’aankii ay inta badan xubnaha baarlamaanku ku diideen maanta in ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu hadal is-difaacid ah ka horjeediyo golaha shacabka.

12/1/2013 12:18 PM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) — Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 01-da December oo sannad walba laga xuso dunida oo dhan maalinta cudurka HIV/AIDS ayay wasaaradda caafimaadka Puntland sheegtay in 83-qof sannadkan laga helay cudurkan halista ah.

12/1/2013 11:57 AM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku baaqay in joojiyo colaadaha ka taagan gobollada Shabeellada Dhexe, Sool, Hiiraan iyo kuwo kale isagoo dhinacyada dagaalamaya ka dalbaday inay khilaafkooda ku xaliyaan nabad iyo wadahadal.

12/1/2013 10:24 AM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) — Wasiirka Kheyraadka dalka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa maanta Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday hay’adda cunnada iyo beeraha adduunka ee FAO, iyagoo kawada hadlay horumarinta kheyraadka dalka, gaar ahaan xoojinta wax-soo-saarka badda sida kalluumeysiga.

12/1/2013 9:40 AM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) — Ciyaartan oo ahayd mid xiisa badan kana tirsanayd koobka bartamaha iyo bariga Afrika ayaa dhexmartay xulalka Soomaaliya iyo Tanzania, waxaana labada dhinac ay soo bandhigeen qaybtii hore ciyaar aad u wanaagsan, taasoo ka dhacday garoonka Nyanyo National Stadium oo ay soo buux-dhaafiyeen taageerayaal Soomaaliyeed oo aad u fara badan.

12/1/2013 9:29 AM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) — Agaasimaha hay’adda UN Population Fund (UNFPA) Dr. Babatunde Osotimehin ayaa maanta ka hadlay halista cudurka AIDS-ka oo dunida laga xuso sannad walba maalinta koowaad ee bisha December

12/1/2013 7:34 AM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) — Qaar kamid ah isimmada Puntland oo magaalada Garoowe shir-saxaafadeed ku qabtay, ayaa ka hadlay dagaalladii dhowaan ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool iyo deegaano hoos taga.

12/1/2013 7:20 AM EST
Axad, December 01, 2013(HOL) :- Shir jaraa’id oo hogaamiyaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) uu maanta ku qabtay xarunta Madaxtooyada islamarkaana ay kasoo qeybgaleen odoyaasha beelaha dega Jubooyinka, saraakiil ciidan iyo madax kale oo ka tirsan maamulka Jubba ayuu uga warbixiyay safar uu kusoo maray dalka Kenya, arinta dhameystirka maamulka iyo arimihii dib u heshiisiinta Jubooyinka.

12/1/2013 7:06 AM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde), ayaa ku baaqay in si nabad ah lagu dhameeyo xiisadda ka jirta gobolka Sool oo dhowr beri kahor ay dagaallo ka dhaceen.

12/1/2013 7:05 AM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo oo booqasho ku joogga gobolka Gabiley ayaa booqday goobo mashaariic kala duwan laga hirgaliyey.

12/1/2013 7:05 AM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) — Waxaa heer gaba-gabo ah soo gaaray islamarkaana intiisii badneyn la dhameystiray dhismaah masjidka Bardaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ah masjid fac-weyn oo soo saaray mashaa’iiq siweyn caan uga dhax ah bulshada Soomaaliyeed.

12/1/2013 6:23 AM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) —Waxaa xilligan ka soconaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland dadaallo dheer oo la sheegay in lugu doonayo in lugu sugo amniga maadama bilowga sannadka soo socda ay ka dhacayso doorashada madaxweynenimo ee Puntland.

12/1/2013 5:56 AM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa diiday maanta inuu hadal u jeediyo ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kaddib qoraal ka yimid ra'iisul wasaaraha oo uu ku dalbanayay inuu doonayo inuu la hadlo baarlamaanka, iyadoo arrintaas uu buuq weyn ka dhashay.

12/1/2013 5:46 AM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) — Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa maanta labada duhurnimo wajahaya kulan adag oo ka tirsan koobka bariga iyo bartamaha Africa oo sanadkan sidii hore ka sii xiisa badan, kaasoo ka dhacaya garoonka Nyanyo National Stadium ee Kenya.

12/1/2013 5:43 AM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) — Kaddib markii ay dhowaan roobabkii Dayrtu ka da'een inta badan gobollada dalka, ayaa waxaa deegaano ka tirsan gobolka Sanaag fara kulul ku haya cayayaanka Ayaxa, cayayaankaas oo inta badan tarma xilliyada barwaaqada.

12/1/2013 2:14 AM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) — Kulan loogu baroor-diiq marxuum, Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Hargeysa ayaa xalay lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka qayb-galay xubno uu ka mid yahay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

12/1/2013 1:41 AM EST
Axad, December 01, 2013 (HOL) — Maanta oo Axad ah ayaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya waxay billaabayaa doodad mooshinka ka dhanka ah xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdi Farax Shirdoon (Saacid) kaasoo ah mid lagu doonayo in kalsoonida loogala laabto.