4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
Hoggaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe oo sheegay in uu soo Dhameystiri doono Maamulkiisa [SAWIRRO]



Axad, December 01, 2013(HOL) :- Shir jaraa’id oo hogaamiyaha maamulka Jubba  Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) uu maanta ku qabtay xarunta Madaxtooyada islamarkaana ay kasoo qeybgaleen odoyaasha beelaha dega Jubooyinka, saraakiil ciidan iyo madax kale oo ka tirsan maamulka Jubba ayuu uga warbixiyay safar uu kusoo maray dalka Kenya, arinta dhameystirka maamulka iyo arimihii dib u heshiisiinta Jubooyinka.

Masuulkan ayaa ugu horeyn sheegay in shirarkii ka dhacay Itoobiya iyo Muqdisho lagu soo afjaray dhamaan khilaafaadyadii ka dhex aloosnaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba, isagoona xusay in hadda aysan jirin wax caqabad ah oo hortaagan maamulkiisa.

Hogaamiyaha  maamulka Jubba ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, halkaasoo maalmihii u danbeeyay uu ku sugnaa.

 “Waxaa la yiri Kenya laga hoos guuray, qolodaan baan xagan la yeelay, dad baa deris ahaa, warar badan oo noocaas ah iyaguna gusacbalaad ah aad bay u yeereen, inaan naloo turjumin daraadeed inaan Kismaayo imaado waxaan ka doorbiday inaan soo maro, sababtoo ah ciidankii Kenyana way nala joogaan, dowladii inta badan nagu taageereeysay inay dadka gobolkan xasilooni gaarana way ahayd,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Masuulkan ayaa dhinaca kale sheegay in dhawaan uu soo dhameystiri doono maamulka, mar dhowna lagu dhawaaqayo guddi farsamo oo soo xuli doona xubnaha cusub ee baarlamanka uu yeelan doono maamulka Jubba.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay dhibaatooyinkii dhinaca ammaanka ee mudooyinkii u danbeeyay ka jiray Kismaayo, wuxuuna u tacsiyeeyay dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay, isagoo intaa ku daray in si deg deg ah uu u dhisi doono gole fulin oo KMG ah, kuwaasoo sii wadi doona howlaha maamulka inta laga soo dhameystirayo golayaasha ka dhiman maamulka Jubba.

Mudooyinkii u danbeeyay waxaa magaalada Kismaayo ka soconayay shirar ay yeelanayeen odoyaasha beelaha kala duwan ee dega Jubooyinka, kuwaasoo ay kusoo xulanayaan xubnihii u matali lahaa golayaasha baarlamanka iyo wasiirada cusub ee la filayo in lagu dhawaaqo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.