4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
JEN. CADDE MUUSE: "Qofna ma yeelayo in C/raxmaan Faroole uu yiraahdo intaas ayaan keenaye dadka ha kala Saaraan..."


Axad, December 01, 2013 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi (Cadde), ayaa ku baaqay in si nabad ah lagu dhameeyo xiisadda ka jirta gobolka Sool oo dhowr beri kahor ay dagaallo ka dhaceen.

Cadde Muuse ayaa ugu baaqay isimmada iyo waxgaradka beelaha Puntland, in ay xil weyn iska saaraan sidii arrintaas si dhaqsa ah xal looga gaari lahaa, maadaama -sida uu tilmaamay- ay jiraan dad leh dano siyaasadeed oo aan raali ka ahayn in xiisaddaas la qaboojiyo.

"Arrintani waxay kamid tahay waxyaabihii aan horay uga dignay...waa in isimadu ay shaqadooda qabtaan, isimadu shaqadoodii way gabeen...dadku waa dad walaalo ah, wax walba waa in sin nabad ah lagu dhameeyaa" Cadde Muuse ayaa yiri.

Isagoo ka hadlayey qaabka ay tahay in lagu soo dhiso guddiga xallinta khilaafaadka, wuxuu sheegay in guddigaas uusan isagu soo magacaabin xilligii uu Puntland madaxweynaha ka ahaa, haseyeeshee ay isimmada iyo musharraxiintu ku heshiiyeen in gobol walba qof laga soo xulo.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo taas ka hadlayey ayaa yiri: "Siddeeda qof oo hadda la sheegay oo la yiri kuwaas ayaa guddiga laga dhigayaa yaa yeelaya? Qofna ka yeeli C/raxmaan inuu yiraahdo intaas ayaan keenaye dadka ha kala saaraan..."

Musharraxiinta u taagan xilka madaxweynenimada ee Puntland ayaa walaac ka muujiyey qaabka ay tahay in lagu dhiso guddiga xulista khilaafaadka, iyagoo ka digey in guddigaas ay dowladdu soo magacowdo, iyadoo aan kala tashan madaxda dhaqanka iyo musharraxiinta ka qayb geli doona doorashada madaxtinimada.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya