4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
Ka Qeyb-qaado Dhismaha Masaajidka Bardaha Magaalada Beledweyne oo Dhismihiisu uu heer Gabo-gabo ah Marayo (SAWIRRO)


Axad, December 01, 2013 (HOL) — Waxaa heer gaba-gabo ah soo gaaray islamarkaana intiisii badneyn la dhameystiray dhismaah masjidka Bardaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ah masjid fac-weyn oo soo saaray mashaa’iiq siweyn caan uga dhax ah bulshada Soomaaliyeed.

Shabakada HOL oo si dhaw ula soctay hadba halka uu marayo dhismaha masjidka ayeey u sheegeen guddiga gacanta ku haya in inta badan laga soo gudbay howshii ugu adkeyd lana dhameystiray dhismaha qeybta labaad [Dabaqa labaad] ee masjidka, hasse ahaatee hadda loo gudbay qeybihii kale ee ka harsan dhismihiisa.

Cismaan Max’uud Cilmi [Cismaan Caato]  oo ka mid ah howl-wadeenada masjidka ayaa HOL u  sheegay in hadda  caqabad ugu weyn ee masjidka heysta tahay sidii ay u heli lahaayeen mutulleelkii la dhigi lahaa gudaha masjidka.

“Sida aad u jeedaan masjidka hadda waa uu ka soo gudbay howshiisii ugu dhibka badneyn, laakiin waxaa noo haray sdii loo dhameystiri lahaa, sida salaaxa masjidka, ku xirista daaqado iyo albaabo iyo waliba mutulleelkii la dhigi lahaa gudaha masjidka, hasse ahaatee caqabada ugu weyn ama ugu darran ee hadda na heysata ayaa ah sadii aynu ku heli laheyn mutuleelka loo baahan yahay oo dhan [2000 oo mitir oo mutuleel ah] oo qiimo ahaan ku  kacaya $14,000 oo doolar,’’ ayuu yiri Cismaan Caato.

Waxaa uu ka dalbaday jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan jaaliyada Hiiraan ee  ku dhaqan dalka dibadiisa in ay gacan ka geystaan sidii loo heli lahaa mutulleelka uu masjidka u baahan yahay oo ah mid ka badan awood guddiga masjidka.

“Waxaan mahad ballaaran u celineynaa dhamaan cid kasta oo gacan ka geysata in heerkan uu soo gaaro masjidka waliba mudo gaaban, gaar ahaan bulshada ku dhaqan magaalada Beledweyne oo siweyn isugu howlay sii socoshada dhismaha masjidka,’’ ayuu yiri Cismaan Caato.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka hadllay dhagax-dhigii dhismahan cusub ee masjidka ayaa xiligaa ugu baaqay dhamaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka muxusiniinta ah ee Alle wax siiyay inay ka qeyb-qaataan dhismihiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliyeed