4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
Xulka Kubadda Cagta Dalka Soomaaliya oo Maanta la ciyaaraya Xullka dalka Tanzania iyo Soomaliya uu guul Rajeynaysa


Axad, December 01, 2013 (HOL) — Xulka kubadda cagta Soomaaliya ayaa maanta labada duhurnimo wajahaya kulan  adag oo ka tirsan koobka bariga iyo bartamaha Africa oo sanadkan sidii hore ka sii xiisa badan, kaasoo ka dhacaya garoonka Nyanyo National Stadium ee Kenya.

Soomaaliya waxey u baahantahay in ay badiso ama ay bar-barro la gasho Tanzania si aysan u dhiman rajada ay ku sii ciyaari karaan koobkan oo maanta la ciyaarayo mid kamid ah kulamada ugu xiisaha badan oo ay isku arkayaan xulalka Soomaaliya iyo Tanzania.

Xulka kubadda Cagta Tanzania waxey ay haystaaan hal dhibic oo kaliya maadaama kulankii furirtaanka ee khamiistii ay bareejo kala kulmeen Zambia oo iyadu kulankan marti ku ah ,waxaana ayna maanta u baahnaan doonaan badis si rajadooda ay kor ugu kacdo.

Xulka Kubadda Cagta ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Ocean Stars ama xiggaha badweynta ayaa ku qasbanaan doonta in ay kulankan badiyaan, waxaana hadii guul darro ay la kulmaan ay muujinaysaa in rajadii Somaliya koobkan ay ku sii ciyaari lahayd ay lunto ,isla markaana ay ka haraan tartanka,inkasto kulan kale uu u harsanaan doono.

Tababaraha xulkeena ayaa rajo weyn ku qaba in kulankan ay badi karaan, isla markaana ay guul weyn soo hoyin karaan hadii ciyaaryahanadu ay dadaal badan sameeyaan ,isagoo xusay in guul ciyaartan ay ka gaaraan ay la mid tahay in ay sii ciyaari doonaan koobkan.

Ciyaartii ugu danbaysay ciyaaryahanada Soomaaliya wax gool ah ma aysan dhalin, waxaana guul darro ay kala kulmeen xulka dalka Burundi, inkastoo Soomaaliya ay dadaal badan muujisay hadana uma suurta galin in ay natiijo fiican gaaraan.

Faysal Maxamed Hassan
[email protected]