4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
Cayayaanka Ayaxa oo Dhibaato u Geystey Deegaanno Hoos-taga Degmada Laas-qoray oo ka tirsan Gobolka Sanaag


Axad, December 01, 2013 (HOL) — Kaddib markii ay dhowaan roobabkii Dayrtu ka da'een inta badan gobollada dalka, ayaa waxaa deegaano ka tirsan gobolka Sanaag fara kulul ku haya cayayaanka Ayaxa, cayayaankaas oo inta badan tarma xilliyada barwaaqada.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ayaxu uu qallajiyey dhul-daaqsimeed ballaaran oo ay dadka reer guuraaga ahi xoolaha ku dhaqan jireen.

Ciyoon ayaa sidoo kale sheegay in meelaha ugu badan ee ayaxu uu ku habsaday ay kamid yihiin tuulooyinka iyo dhulka miyiga ah ee hoos taga xeebta degmada Laas-qoray oo ku taal waqooyi-bari gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dowladda Puntland iyo hay'adaha samafalka, in ay gacan ka geystaan sidii ayaxa looga horjoogsan lahaa in uu deegaano hor leh kusii fido; maadaama hadda uu tiro ahaan yaryahaya oo ay fududahay in la sumeeyo.

Sanadkii 2009 wuxuu ayaxu dhibaato ballaaran u geystey beeraha iyo dhul-daaqsimeedka qaar kamid ah gobollada Puntland iyo Somaliland, gaar ahaan gobollada ku dhereran Badda Cas.

Ayaxa Afrika ayaa usoo jiheysta dhanka xeebaha Badda Cas inta u dhexeysa xilliyada Dayrta iyo Guga, si uu halkaas ugu aaso ugxantiisa (ukuntiisa) oo marka dambe isu bedesha jiil cusub oo ayax ah.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya