4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 1 , 2013
Madaxweynaha Somalia oo Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia ugu magac-daray Marxuum Axmed Qeybe (SAWIRRO)


Axad, December 01, 2013 (HOL) — Kulan loogu baroor-diiq marxuum, Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Hargeysa ayaa xalay lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka qayb-galay xubno uu ka mid yahay madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa guddooomiyaha baarlmanaka, Maxamed Cusmaan Jawaari, wasiirka arrimha gudaha iyo amniga Qaran, C/kariim Xuseen Guuleed, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.

Dhammaan mas’uuliyiintii ka qayb-gashay kulanka oo qaarkood hadallo jeediyeen ayaa ku dheeraaday taariikhdii Allaha u naxariistee marxuum  Axmed  Maxamed Aadan Qeybe oo ahaa wasiirkii arrimaha dibadda dowladdii hore ee Somaaliya, iyagoo tacsi u diray ehellada marxuumka, isla markaana tilmaamay in marxuumku uu ahaa qof aad u jecel midnimada umamdda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey in Axmed Qeybe Jannadii fardoowsa ka waraabiyo, wuxuuna  tilmaamay in Axmed uu ahaa nin Qaran, wax weynna u soo qabtay ummadda Soomaaliyeed xili baahiyo waaweyn loo qabay.

“Qaybe Wuxuu ahaa nin ku dayasho mudan, meel walba ayuu raad ku lahaa intii nolashiisa jirtayna wuxuu ahaa nin u adeegayay Soomaali oo dhan. Alle ha u naxariisto innagana samir iyo iimaan ha naga siiyo,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri: “Waa inaan wax ka baranaa wixii Axmed dalka u soo qabtay, taariikhdii uu ka tagay. Magaciisa iyo wax-qabadkiisa ayaana jiri doonaa.”

Sidoo kale madaxweyne  Xasan wuxuu intaas ku daray: “Dowladda Somalia waxay si gaar ah isaga xil-saari doontaa inta ka nool muwaadiniinta, ahaana  aabayaashii hore ee dalkan. Inta dhimantayna taariiikhdooda ayaa la raadin doonaa, inta soo socotana  micno ayay u yeelanaysaa, dowladdu guddi qaas ah ayay u magacaabi doontaa arrimahaan.”

“Caawa waxaan u joognaa xuska marxuum Axmed Qeybe, xusuustiisa si aan u jirsiinno mar walba. Waxaan caawa halkan kasoo jeedinayaa maadaama marxuum Axmed Qaybe nolashiisa inta badan ku qaatay sidii uu dalkan iyo dadkan ugu adeegi lahaa in xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Somalia loogu magac daray Qeybe, wixii berri ka billowda magaceeda laga dhigay Qeybe, si dhallinyaradda dambe ee Soomaaliyeed isku weydiiyaan Qeybe yuu ahaa ka dibna taariikhdiisa iyo waxqabkiisa u helaan, waa dhaqan cusub oo billow ah,” ayuu yiri madaxweynuhu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inta la ogyahay in marxuum Axmed uusan ka tagin wax hanti ah hayeeshee taa badalkeeda uu ka tagay wax hanti  ka qaalisan kana qiimo badan, wax badanna u soo qabtay xilli ummadda Soomaaliyeed ay baahi u qabtay qof noociisa oo kala ah.

Axmed Qaybe oo maalmo ka hor lagu aasay magaalada Hargeysa ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa nin taariikh dheer ku leh ummadda Soomaaliyeed, iyadoo madaxdii aaska ka hadashayna ay sheegeen inuu muddo 60-sano ah ku soo jiray siyaasadda.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya