4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2013
Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti oo Maanta booqasho ku tagay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Jimco, August 09, 2013 (HOL) — Wasiirrka gaashaandhiga jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Dharaar Hufane iyo xubno saraakiil ah oo uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ay ka howlgalaan ciidamo ka socda dalka Jabuuti ee qeyb ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Wasiirka oo socdaalkiisa ay wehlinayeen talliyaha ciidamada Jabuuti Jen Fatxi Axmed, abaanduullaha ciidamada dalka Jabuuti Jen Sakariye Sheekh Ibraahim iyo safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Dayib Dubad Rooblle  ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ku soo dhaweeyay wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max'uud Fiqi iyo mas'uul ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayay guddoomiyaha gobolka Cabdi Faarax Laqanyo.

Wafdiga jamhuuriyada Jabuuti ayaa markii ay ka soo degaan garoonka kadib waxaa ay kulan kula qaateen xarunta ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ay ku leeyihiin dulleedka magaalada saraakiisha Jabuuti oo warbixin ka siiyay wax qabadka ciidamada mudadii ay joogeen magaalada, waxaana kulankaa goob joog sidoo kale ka ahaa wasiirrka gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Max'uud Fiqi, abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jen C/risaaq Khaliif Calimi iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka.

Wafdiga ayaa intaa kadib waxaa loo soo galbiyay gudaha magaalada iyaga oo kormeer ku sameeyay xerrada gaaska shanaad ee ciidamada xoogga dalka ee Lama-galaay, halkaa oo uu tababar uga socdo ciidamo ka tirsan maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan.

Waxaa uu halkaa warbixinno uga dhageystay qaar ka mid ah ciidamada tababarka bixinaya oo sharxaad ka siiyay habka uu tababarka u socdo, waxaana halkaa ay ku soo bandhigeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan dhuulatus la xiriira xifadihii ay barteen mudadii uu tabbarka u socday oo siweyn u soo jiitay wafdiga iyo xubnihii saraakiisha ee maanta gaaray magaalada Baladweyne.

Sidoo kale, waxaa uu wasiirrku soo kormeeray farumaha ciidamada maamulka iyo kuwa AMISOM ee daafaha magaalada, gaar ahaan xaafadda Howl-wadaag oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada Jabuuti.

Wasiirrka oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booashadiisa magaalada Baladweyne, waxaana uu amaan u jeediyay maamulka gobolka Hiiraan oo siweyn isaga xil saaray dhismaha ciidamada iyaga oo gacan ka hellaya saraakiisha ciidamada Jabuuti.

“Magaalada Baladweyne runtii waa magaalo aad u wanaagsan, waxaana halka rabaa in aan ku amaanno maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha Jabuuti sida ay u wada shaqeeyaa isku xirnaanta ka dhaxeysa, '' ayuu yiri wasiirrka.

Ugu dambeyn, wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne iyaga oo dib ugu laabtay dalka Jabuuti.

Safarka wasiirrka ayaa la oran karaa waa uu ahaa mid ku saleysan oo kaliya in uu farxada maalinta Ciidda la qaato ciidamada ka badan Kunka askari ee socda dalka Jabuuti iyo in uu soo kormeero howlaha ay ka hayaan gobolka, gaar ahaan magaalada Baladweyne.










C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya