4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2013
Muslimiinta ku nool dalka Koonfur Afrika oo Maanta ciiday, iyagoo isugu soo baxay barxado ay Salaadda ku Tukadeen (SAWIRRO)


Jimco, August 09, 2013 (HOL) — Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda oo ay muslimiinta ku nool dalkaas maanta tukadeen, iyadoo muslimiin aad u fara badan ay buux dhaafiyeen barxadaha lagu tukado salaadaha ciidda ee ku kala yaalla gudaha iyo duleedayada magaaladaas.

Soomaalida iyo muslimiin kale oo fara badan ayaa waxay isugu soo baxeen barxadda weyn ee ku taalla xaafadda Bellville ee duleedka magaalada Cape Town, kuwaasoo ka kala yimid xaafado kala duwan.

Jawiga ayaa wuxuu ahaa mid aad u wanaagsan oo dadka wajiyadooda ay ka muuqatay farxad weyn, raga, dumarka iyo caruurta ayaa ku sugnaa goobaha lagu tukado, iyadoo Ramadaankan uu ahaa mid ay yaraayeen saacadaha la soomanaa marka loo eego kuwii ka hoorreeyay, cimiladuna ay aad u wanaagsanayd.

Muslimiinta dalka Koonfur Afrika ku nool ayaa waxay soomeen 30-maalmood halka dalalka kale ee Islaamka qaarkood laga soomay 29-maalmood ayna u ahayd shalay maalintii koowaad ee ciiddul-fidriga.

Waxaa kaloo jira Soomaali kale oo ku kala nool xaafado halkaasi ka fog-fog kuwaasoo iyaguna dhexda ka raacay muslimiinta kale ee dalkan Koonfur Afrika ku nool.





Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, Koonfur Afrika