Jimco, August 09, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shilkii diyaaradeed ee saaka ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegtay in diyaaradda gubatay ay ahayd mid xamuul xogta la hayana ay sheegayso inay u dhacday cillad-farsamo awgeed.
Haddaba, si faahfaahin buuxda oo sugan loo helo waxay dowaldda Somalia u magacowday guddi xaqiiqo-raadin ah oo ka kooban toddoba xubnood, kuwaasoo la sheegay inay baaris ku sameynayaan, waxaana ka mid ah laba xubnood oo ka socda shirkadda SKA ee garoonka maamusho iyo AMISOM.
1. Wasiir ku-xeenka Warfaafinta, Cabdishakuur Cali Mire2. Maareeyaha guud hay’adda duulimaadka rayidka, Cali Maxamuud3. Taliyaha ciidankia booliiska Soomaaliyeed, Jen. C/xakiim Daahir 4. Agaasimaha hay’adda nabsugidda, Jen. Bashiir Maxamed Jamac 5. Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi 6. Xubin AMSIOM ka socda oo aan la magacaabin7. Xubin ka socda shirkadda SKA oo aan la magacaabin
Ugu dambeyn, dowladdu waxay sheegtay inay ku adkeynayso guddigan loo magacaabay in shilkaas ay soo baaraan inay si dhaqso ah u hawl-galaan soona gudbiyaan warbixin buuxda sida ugu dhaqsaha badan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online[email protected]Muqdisho, Soomaaliya