4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2013
Dowladda Somalia oo Guddi baaris u magacowday Shilkii Diyaaradeed ee ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Jimco, August 09, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shilkii diyaaradeed ee saaka ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sheegtay in diyaaradda gubatay ay ahayd mid xamuul xogta la hayana ay sheegayso inay u dhacday cillad-farsamo awgeed.

Haddaba, si faahfaahin buuxda oo sugan loo helo waxay dowaldda Somalia u magacowday guddi xaqiiqo-raadin ah oo ka kooban toddoba xubnood, kuwaasoo la sheegay inay baaris ku sameynayaan, waxaana ka mid ah laba xubnood oo ka socda shirkadda SKA ee garoonka maamusho iyo AMISOM.

1.   Wasiir ku-xeenka Warfaafinta, Cabdishakuur Cali Mire
2.   Maareeyaha guud hay’adda duulimaadka rayidka, Cali Maxamuud
3.   Taliyaha ciidankia booliiska Soomaaliyeed, Jen. C/xakiim Daahir
4.   Agaasimaha hay’adda nabsugidda, Jen. Bashiir Maxamed Jamac
5.   Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi
6.   Xubin AMSIOM ka socda oo aan la magacaabin
7.   Xubin ka socda shirkadda SKA oo aan la magacaabin

Dowladda Soomaaliya waxay ka xun tahay baa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saartay maanta shilka diyaaradeed iyo khasaaraha ka dhashay, waxayna tacsi u direysaa ehellada dadkii waxyeelladu kasoo gaartay shilkaas.

Ugu dambeyn, dowladdu waxay sheegtay inay ku adkeynayso guddigan loo magacaabay in shilkaas ay soo baaraan inay si dhaqso ah u hawl-galaan soona gudbiyaan warbixin buuxda sida ugu dhaqsaha badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya