4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 9 , 2013
Taliska AMISOM oo ka Hadlay Shilkii Diyaaradeed ee ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Jimco, August 09, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa ka hadashay diyaaraddii ku dhacday saakay aroortii hore garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo sheegay inay ku dhinteen afar qof oo shaqaalihii diyaaradda ka mid ahaa ayna ku dhaawacmeen laba kale.

Qoraal ay AMISOM soo saartay ayay ku sheegtay in shilka diyaaradeed uu yimid kaddib markii diyaaraddu ay cago-dhigatay garoonka, balse uu dab ka ka kacay qaybta dambe kaasoo keenay inay gabi ahaanteen gubato.

“Diyaaradddu markii ay dhacday waxaan u fidinnay gurmad deg-deg ah oo aan kusoo badbaadinnay lab aka mid ah shaqaalihii diyaaradda, afar kalena shilka ayay ku dhinteen,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay.

AMISOM waxay sheegtay in diyaaraddu ay ahayd mid milateri oo ay lahayd dowladda Itoobiya, inkastoo aysan sheegin inay saanad ciidan u sidday iyaga iyo in kale iyo halka ay ka timid intaba.

“Waxaan dowladda Itoobiya uga tacsiyeynayaa geeridii ku timid afar ka mid ah shaqaalaha diyaaraddii ku burburtay saakay madaarka Muqdisho, kuwa kale ee dhaawacmayna waxaan u rajeynayaa caafimaad deg-deg ah,” ayuu danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif ku yiri warsaxaafadeedka ay soo saartay AMISOM.

Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin burburka diyaaradeedda inkastoo afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda oo arrintaas wax laga weydiiyay uu sheegay inay warbixin kasoo saari doonaan.

Howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa gabi ahaan hakad ku jira maanta, iyadoo wasaaradda warfaafinta, boostada iyo gaadiidku ay sheegtay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu dib howshiisa ugu billlaaban doono.

Burburka diyaaradeed ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Muqdsiho ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ka dhaca garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho tan iyo markii AMISOM ay howlgalkeeda ka billowday Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya