4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Duulimaadyadii caalamiga ahaa oo dib uga bilowday garoonka Diyaaradaha Jommo Kenyatta ee Magaalada Nairobi


Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Tiro yar oo ka mid ah duulimaadyadii caalamiga ahaa ayaa maanta oo Khamiis ah dib uga billowday garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi, kaddib markii uu garoonkaas dab qabsaday Arbacadii shalay.

Warsaxaafadeed ay shaacisay shirkadda Kenya Airways oo ku saxiixnaa madaxa shirkaddan, Titus Naikuni ayaa lagu sheegay in sagaal diyaarad oo caalami ah ay maanta ka duuleen garoonka Jommo Kenyatta.

Naikuni wuxuu sheegay in duulimaadyada caalamiga ah isticmaali doonaan qaybta loogu talogalay diyaaradaha gudaha inta dib looga habeynayo qaybtii burburta ay ee diyaaradahaas ay ku xiran jireen.

“Diyaaradaha caalamiga ah waxay isticmaali doonaan qaybta saddexaad oo ah qaybta loogu talogalay inay kusoo xirtaan diyaaradaha gobolka isaga goosha, illaa amar dambe,” ayuu yiri maamulaha isgaarsiinta ee shirkadda Kenya Airways, Kepha Bosire oo la hadlayay warbaahinta dalka Kenya.

Sidoo kale, Bosier wuxuu sheegay in duulimaadkii ugu horreeyay ee caalami ah oo ka duula garoonka waxay ahayd diyaarad nooceedu ahaa KQ762 oo ku sii jeedday magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Duuliyaadyo kale oo caalami ah oo kusoo degi lahaa garoonka caalamiga ah ee Jommo Kenyatta ayaa loo wareejiyay garoommada kale ee dalka Kenya sida midka Mombassa iyo kuwa kale ee gobolka sida Uganda iyo Tanzania.

Madaxa shirkadda Kenya Airways ayaa sheegay in muddo aan cayimin uu xirnaa doono garoonka inta laga soo saarayo amar kale, waxaana hadda ka socota qaybtii gubatay ee garoonka dayactir weyn, maadaama uu si aad ah u burburay.

Dhanka kale, saraakiiisha shirkadda Kenyan Airways waxay sheegeen inay si caadi ah u socon doonaan duulimaadyada gudaha Kenya iyo dalalka dariska ah qaarkood ay garoonka kusoo degi karaan.

Todoba duulimaad oo caalami ah ayaa lagu wadaa inay ka duulaan garoonka diyaaradaha ee Mombassa, iyadoo duulimaadyadii kale ee isticmaali lahaa Jommo Kenyatta ay sii isticmaali doonaan garoonka Mombassa ku yaalla.

Garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ayaa ah garoonka ugu mashquulka badan ee dalalka Bariga Afrika, iyadoo aan la ogeyn wixii kiciyay dabkii shalay gubay qaybta ay ku soo dagaan diyaaradaha caalamiga ah kana dhoofaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya