4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Soomalia oo Maanta Tagay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)


Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaarrada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo wafdi uu horkacayo ayaa subaxnimadii saakay gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga wasiirrka ayaa waxaa ka mid ahaa abaanduullaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne kusoo dhaweeyay mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo uu horkacayay guddoomiyaha gobolka, Cabdi Faarax Laqanyo.

Wasiirrka gaashaandhiga oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in uu siweyn ugu faraxsan yahay maanta oo Khamiis ah in uu farxada Ciiddul-fidriga la qeybsado shacabka reer Baladweyne iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee maamulka gobolka Hiiraan.

“Farxad iyo sharaf gaar ah ayeey ii tahay in aan magaalada Baladweyne farxada Ciidda kula qaato bulshada ku dhaqan magaalada Baladweyne oo aan marar badan oo hore ku soo noq noqday, sidoo kalana waxaa ku faraxsannahay in aan munaasabada Ciidda halkan kula qeybsado ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgal gobolka Hiiraan,'' ayuu yiri wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in maalinta berri ah uu Baladweyne soo gaari doono wasiirrka gaashaandhiga Jamhuuriyada Jabuuti oo ay kulan ku wada qaadan doonaan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

“Waxaan kaloo rabaa in aan idin cadeeyo in maalinta beri ah uu  ku soo fool leeyahay wasiirrka gaashaandhiga dalka Jabuuti oo aan halkan isku arki doono,'' ayuu yiri C/xakiin Xaaji Max'uud Fiqi oo warbaahinta la hadllayay.

Waa markii sadaxaad oo uu safar ku tago magaalada Baladweyne wasiirrka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya, dhawaan ayeey aheyd markii wasiirrka iyo wafdi uu horkacayo ay magaalada Baladweyne uga qeyb-galleen xuska munaasabadihii maalmaha xorriyada Soomaaliya iyo Jabuuti.





C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya