4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan oo Maanta Laga Oogay Munaasabada Ciiddul-Fidriga (SAWIRRO)


Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Iyadoo guud ahaan dunida muslimka maanta siweyn loogu dabaal-dagayo maalinta koowaad ee Ciiddul-fidriga ayaa si gaar ah waxaa gobollada dalka Soomaaliya maanta si isku mid ah looga damaashaadayaa farxada Ciidda.

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah qeybaha dalka Soomaaliya ee maanta bulshada ku dhaqan sida weyn ugu dabaal-dagayaan Ciiddul-fidriga, kadib markii ay soo dhameysteen gudashada waajibaadka Bisha Barkeysan ee Ramadaan.

Dadka ka kooban qeybaha bulshada ayaa labada Ragco ee Salaada Ciidda waxaa ay ku oogeen Masaajida kala gadisan ee magaalada ku yaala, hasse ahaatee dadka intiisa badan waxaa ay si wada jir ah ugu tukadeen Masjidka Dabaqa ee ku yaalla bartamaha magaalada.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadllay HOL ayaa guud ahaan bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan u dirray hanbalyo ku aadan Ciidda, isaga oo u rajeeyay in munaasabadan teeda kale ku gaaraan nabad, homarka iyo dowladnimo.

“Waxaan rabaa in aan hanbalyo u dirro dhamaan shacabka ku dhaqan gobolka, waxaan leeyahay Kulu-caam-watum-bikheyr, waxaan u rajeyanaa sanadka danbe maanta oo kale in ay ku gaaraan nabad, hormar iyo dowlidnimo, waxaana ku boorinayaa dhamaan bulshada ku dhaqan gobolka gaar ahaan magaalada Baladweyne in ay ka shaqeeyaan nabad-galyad,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Guud ahaan marka aad eegto magaalada waxaa ka muuqata farxada maalinta Ciiddu-fidriga waxaadna arkeysaa dadka oo isku salaamaya Ciid wanaagsan, si farxad lehna isku marxabeynaya.

Marka la eego sanadkan munaasabada Ciidda dhinaca nabad-galyada waxaa la oran karaa bulshada ku dhaqan gobolka waa ay ugu duwan tahay munaasabadii sanadkii hore ee Ciiddul-fidriga oo bartamaha magaalada lagu aryay baro-koontarool oo ay fariisimo ku lahaayeen ciidamada  Itoobiya iyo kuwa maamulka gobolka.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya