4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 8 , 2013
Hay’adda UNICEF oo sheegtay inay heshay in ka badan hal Milyan oo dollar oo ay ku dagaalanto cudurka Dabeysha


Khamiis, August 08, 2013 (HOL) — Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in 1.3 milyan doollarka Mareykanka ah ay heshay, si ay ugula dagaalanto cudurka halista ah ee dabeysha oo laga helay deegaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah.

Wakiilka hay’addan oo Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta, Sikander Khan ayaa sheegay in dhaqaalahan lagu maalgelin doono hay’adaha ay kala dhexeyso wadashaqeynta si looga hortago in cudurkan uu ku faafo  dalalka dariska la ah Soomaaliya.

“Dhaqaalahan waa mid lagu iibin karo shan milyan oo xajmi oo tallaalka dabeysha ee afka laga qaato ah, kuwaasoo laga fulin doono Soomaaliya bilaha November iyo December sannadkan,” ayuu yiri Khan.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ay soo saartay UNICEF ayaa lagu sheegay in afar milyan oo qof la siiyay tallaalka dabeysha, kaddib markii Soomaaliya laga helay cudurkan bishii May ee sannadkan. Iyadoo Soomaaliya cudurkan laga cirib-tiray lix sano ka hor, balse dib loogu arkay sannadkan.

“Sababta keentay in cudurka dabeysha uu kusoo laabto Soomaaliya waa in caruur badan aysan qaadan tallaalka cudurkan halista ah, waxaana lagu qiyaasay caruurta aan tallaalka qaadan sannadihii u dhexeeyay 2008 illaa 2012 hal milyan oo cunug,” ayuu mar kale yiri Khan.

Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in 66 kiis oo cudurka dambeysha ah laga helay Soomaaliya, kuwaasoo intooda badan lagu arkay caruurta ku nool magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Jawaabtii laga bixiyay cudurkan laga helay Soomaaliya ayaa laga tallaalo afar milyan iyadoo ololayaal xooggan laga sameeyay guud ahaan Somalia si looga hortago in cudurkan uu noqdo mid baaha.

Ka hor intii uusan cudurkan dib dambe uga dilaacin dunida, waxaan lagu guuleystay in 99% cudurkan halistiisa hoos loo dhigo, waxaana dalalkii ugu dambeeyay ee cudurkan laga ciribtiro ay ahaayeen: Afgaanistaan, Nigeria iyo Bakistaan, iyadoo lasoo gabagabeeyay ololayaashii cudurkan lagula dagaalamayay sannadkii hore ee 2012.

Ugu dambeyn, UNICEF waxay ka digtay in haddii aan si dhaqso ah looga qaban cudurka dabeysha ee ka dillaacay uu sababi karo in dunida oo dhan uu ku faafo, uuna curyaamiyo dadaalkii loogu jiray in dunida oo dhan laga ciribtiro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya