4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2013
Dowladda Soomaaliya oo deeqo waxbarasho oo ay ka heshay dalka Yemen qayb ka siisay Somaliland iyo Puntland

Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Wasiirka horumarinta adeegga bulshada Xukuumada Soomaaliya, Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday in dowladda Soomaaliya ay ka heshay dalka Yemen deeqo waxbarasho jaamacadeed ah, kuwaasoo tiradoodu tahay 100, kuwasoo kala ah waxbarashada sare iyo shahaadaha koowaad ee Bachelor-ka.

Maryan Qaasim ayaa sheegay in wasaaradd ay sameyay guddi ka kooban sagaal qof oo ka madax-bannaan kuwaasoo loo xilsaaray inay imtixaanaad ka qaadaan ardayda doonaysa inay ka faa’iideystaan deeqdaas waxbarasho, iyadoo sheegtay in guddigan uu yahay mid lagu kalsoon yahay.

“Deeqda waxbarsho ee aan Yemen ka helnay oo 100 kursi, waa kuwo ku siman oo keliya waxbarashada, ardayguna uu iska bixinayo nooligiisa. 10 ka mid ah waa waxbarashada sare, 90-ka kalena waa waxbarshada shahaadada koowaad, 20 ka mid ah waxaan siinnay inay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta dalka Yemen, 12 waxaan ugu deeqnay ardayda ku nool Somaliland, halka 13 aan siinnay arday Puntland, 45-ka kursi ee kalena ardayda kale ee Soomaaliyeed ayay ka dhexeysaa,” ayay wasiiraddu ku tiri shir jaraa’id oo ay maanta qabatay.

Sidoo kale, wasiiraddu waxay xustay in is-diiwaangelinta ardayda doonaysa inay kafaa’iideystaan waxbarashadan ay billaabanayso maalinta Sabtida ah ee soo socota, iyagoo iska qori doona waaxda agaasinta waxbarashada ee wasaaradda horumarinta adeegga bulshada.

“Waxaan rajeynayaa in deeqdan waxbarasho ardayda kusoo baxa ay aadi doonaan dalka Yemen si ay wax u bartaan,” ayay tiri wasiiradda oo aan sheegin kulliyada ay ka kooban yihiin deeqahan waxbarasho.

Dhanka kale, agaasimaha waaxda waxbarashada wasaaradda horumarinta adeegga bulshada, Maxamed Cabdiqaadir Nuur ayaa isaguna wuxuu sheegay in gudigga loo saaray maamulidda deeqaha waxbarasho uu yahay mid lagu kalsoonyahay, isla markaana aysan jiri doonin wax is-damarin ku saabsan deeqdan waxbarasho.

Ugu dambeyn, wasiirrada ayaa sheegtay in deeqdan waxbarasho ay qayb ka tahay horumarinta aqoonta bulshada Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay inay si aad ah uga mahadcelinayaan dalka Yemen deeqdan uu siiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horreysay oo wasaaradda horumarinta adeegga bulshada ay ku dhawaaqdo in deeq waxbarasho ah ay ka heshay dalka Yemen, waxaana horay deeqo waxbarasho oo noocan oo kale ah u siin jiray ardayda Somalia dalalka Turkiga iyo Suudaan.

Maxamed Maaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya