4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2013
Deeq Lacageed oo la gaarsiiyay Isbitaalka guud ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo Bukaanno ay Jiifaan (SAWIRRO)


Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Deeq lacageed oo gaareysa 1,440 dollar ayaa la gaarsiiyay bukaannada ku jira isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Deeqdan oo ay soo dhiibeen gabadho Soomaaliyeed oo ku nool Mareykanka ayaa sida uu sheegay Cali Cabdi Xaashi waxaa loogu talagalay in wax lagaga qabto baahida ka jirta isbitaalka Laascaanood oo aanay jirin cid wax tarta oo aan ka ahayn dadka deegaanka.

Lacgtan oo lagu wareejiyay gudida horumarinta degmada ayaa waxaa halkaasi u mahad-celiyey hablaha soo diray lacgahaas Sheekh Siciid Axmed Cadar, isagoo sheegay inay wax weyn ka tarayso maalmaha cidda ee nagu soo fool leh.

Sidoo kale, Dr. Cabdi Maxamed Buraale oo halkaas ka hadlay ayaa mahad-celin kaddib wuxuu sheegay inay bukaanka haatan siiyaan laba waqti oo cunto ah; haddii ay dhaqaale u helaanna ay uga dhigi doonaan sadex waqti.

Deeqdan ayaan ahayn tii ugu horreysay oo isbitaalka la gaarsiiyo, laakiinse waxaa muddooyinkii u dambeeyey soo kordhaayay dadka iskood isu soo xil-qaamaya si ay gacan uga geystaan sidii dhaqaale loogu heli lahaa isbitaalka Laascaanood gaar ahaan waaxda daweynta cudurka TB-da.



Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool