4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 7 , 2013
Booliiska Puntland oo billaabay Howgallo Ammaanka lagu Xaqiijinayo iyo 94 Maxbuus oo Maamulku uu cafiyay [SAWIRRO]


Arbaco, August 07, 2013 (HOL) — Xilli ay muddo yari ka harsan tahay munaasabaddii Iidul Fidriga ayaa waxaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland ka bilowday howlagallo ay ciidamada Boolisku ammaanka si weyn ugu adkeynayaan.

Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Booliska iyo madaxda wasaaradda amniga Puntland oo magaalada Garoowe warbaahinta kula hadlay, ayaa sheegay in howlgalladani ay yihiin kuwo socon doona muddo labo todobaad ah.

Jen.Maxamed Siciid Jaqanaf  - oo ah taliyaha Booliska Puntland- ayaa sheegay in ujeedada howlgalladani ay tahay si looga hortago in falal ammaanka liddi ku ahi ay dhacaan inta lagu guda jiro ayaamaha Iidka.

Jen. Jaqanaf ayaa intaas raaciyey in ay qabteen gaadiid iyo shakhsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay maleegayeen falal ammaanka wax u dhimaya, kuwaasoo uu sheegay in baaritaan lagu wado. Taliyuhu wuxuu digniin u diray dadka wata gaadiidka aan taarikada lahayn iyo kuwa ay bacaha madoobi muuraayadaha kaga dheggen yihiin.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland ayaa munaasabadda Iidda darteed wuxuu cafis u fidiyey ku dhowaad 100 maxbuus oo ku eedeysnaa dembiyo fudud. Maxaabiistan ayaa ku jirey xabsiyada magaalooyinka Boosaaso, Qardho, Garoowe iyo Gaalkacayo.

Maxaabiista lasii daayey oo ay tiradoodu 94-tahay, waxaa 47 laga sii daayey xabsiga Gaal-shire ee magaalada Boosaaso, 33 xabsiga weyn ee degmada Qardho halka 14-ka kale laga sii daayey xabsiyada Garoowe iyo Gaalkacayo.

Ma ahan markii ugu horeysey ee madaxweynaha Puntland uu cafis u fidiyo maxabiis ku jirey xabsiyada waaweyn, haseyeeshee wuxuu dhowr mar oo hore sidan oo kale u cafiyey boqollaal maxbuus oo ku eedeysnaa dembiyo kala duwan.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya