4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
Al-shabaab oo Sanadkii labaad ka Maqan Muqdisho iyagoo Awood u leh weli inay Weerarro ka geystaan Caasimadda


Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Maanta oo ay bishan Ogoosto ku beegan tahay lix ayaa waxaa buusamay sannadkii labaad oo Xarakada Al-shabaab ay isaga baxday magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya oo ay inteeda badan ka talinaysay muddo saddex sano ah, balse weli waxay Muqdisho ka geystaan falal isugu dilal qorsheysan, qaraxyo ismiidaamin ah iyo weerarro duqeyn ah.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa culeys ku saaray Al-shabaab inay isaga baxdo degmooyinka Muqdisho oo ay gacanta ku haysay, iyagoo ugu dambeyn ka baxay 06-dii Ogoosto, 2011.

Dajiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed Saalax Anaadiif ayaa ku tilmaamay tallaabadan guul ay gaareen ciidamada dowladda iyo AMISOM, isagoo sheegay in ciidamada Midowga Afrika ka ay sii wadayaan howlaha ay kula dagaalamayaan Al-shabaab.

“Magaalada Muqdisho waxaa dib ugu soo laabatay noloshii caadiga ahayd iyo in dhaqaalaheeda uu sare u kaco. Dukaamadii ayaa dib loo furay muddo dheer kaddib, suuqyada iyo guryaha ayaa dib loo dayactiray. Dad badan oo Soomaali ah ayaan dib ugu soo laabtay dalka, iyadoo duulimaadyadii iman jiray Muqdisho ay aad u kordheen,” ayuu Anaadiif ku yiri warbixin uu soo saaray maanta oo Salaaso ah.

Inkastoo horumarkaas uu sheegay dajire Anaadiif uu magaalada Muqdisho ka jiro; haddana dadka caasimadda ku nool waxay la kulmaan falal kaga imaanaya Al-shabaab oo ay ka mid yihiin dilalka, waxaana baqdin ugu weyn ay haysaa xilligan shaqaalaha dowladda iyo askarta.

Habeen hore waxay u ahayd Muqdisho habeen ka duwan habeennadii ay soo martay tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxday, waxaana ka dhacay in ka badan 20-qarax oo qaarkood lagu weerarya, saldhigyo, xarumaha hay’adaha Turkiga ee Muqdisho iyo guryo ay deggen yihiin xubno ka tirsan dowladda.

“Laba sano ka hor, ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM waxay la galeen Al-shabaab dagaallo adag,” ayuu yiri Anaadiif oo intaas raaciyay. “Ka saaristoodii Muqdisho waxay horsed u noqotay isbedel siyaasadeed oo dhacay, dastuurka dalka oo la dajiyay iyo wakiillada bulshada oo doortay xukuumad cusub oo dalka hoggaamisa.”

Sidoo kale, danjire Anaadiif wuxuu sheegay in AMISOM ay labadii sano ee la soo dhaafay ay soo gabagabeysay laba waji dagaal oo ay la gashay kooxda Al-shabaab. Waxaana howgalka wajigiisa labaad uu ahaa midkii lagu qabtay magaalada Kismaayo, iyagoo sidoo kale ka howlgala hadda Baladweyne iyo Baydhabo.

“Waxaan diyaar u nahay inaan dowladda Somalia kala shaqeyno sidii looga hortegi lahaa hanjabaadaha ay Al-shabaab ku hayso shacabka. Ciidankeennu waxay awoodooda ciidan u adeegsan doonaan sidii Al-shabaab looga saari lahaa dalka oo dhan, waxaana naga go’an inaan tababarro siinno ciidamada dowladda Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan inay ka horagaan falalka ammaan-darrada ah,” ayuu Anaadiif hadalkiisa kusoo gabgabeeyay.

Xarakada Al-shabaab oo muddo sannado ah dagaallo kula jirtay dowladda Soomaaliya ee hadda jirta iyo kuwii ka horreeyay ayaa dhawaan sheegtay inay sii wadayso dagaallada inta ay uga suurogalayso hadafkooda oo ah in dalka oo dhan ay kusoo rogaan in la isku xukumo shareecada Islaamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya