4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 6 , 2013
Kooxo Hubeysan oo Magaalada Muqdisho ku Toogtay guddoomiye xigeenkii Degmada Wardhiiley ee Gobolka Banaadir

Talaado, August 06, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta ku toogtay isgoyska Siinaay guddoomiye ku xigeenkii degmada Wardhiigley, Maxamed Axmed Taako, iyagoo sidoo kale dhaawacay ruux ilaalo ahaa oo la socday.

Dableyda geysatay weerarkan oo ku hubeysnaa bastoolado ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo guddoomiye ku xigeenka la toogtay uu isla goobta ku naf-baxay, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa ammaan-darrada Muqdisho ka jirta.

Goobjoogayaal ku sugnaa goobta isgoyska Siinaay markii uu falka dilka ah dhacayay ayaa sheegay inay geysteen rag dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo dilka kaddib si nabadgalyo ah uga tagay goobta.

“Mas’uulka la toogtay waxaa la socday wiil waardiye ahaa, waxaana markii hore ay kooxaha hubeysan dhaawac u geysteen wiilka, kaddibna waxay isla goobta ku toogteen guddoomiye ku xigeenkii degmada Wardhiigley,” ayaa laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugnaa halkaas.

Falkan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa falalka lagu ugaarsanayo xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya, wuxuuna kusoo beegmay xilli ay degmooyinka gobolka Banaadir ka jireen falal ammaan-darro oo ay mas’uulyadooda inta badan sheegatay Al-shabaab.

Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliyo iyo weliba maamulka gobolka banaadir oo ku saabsan dilka mas’uulkan ka tirsanaa maamulka gobolka loogu geystay Muqdisho.

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay ka howlgasho Muqdisho ayna si toos ah u beegsan doonaan dagaalyahannadooda xubnaha dowladda ka tirsan iyo ciidamada, waxaana habeen ka hor ay Al-shabaab weerarro qaraxyo ay ka geysatay Muqdisho.

Taliska booliiska Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa ammaan-darada ka jirta Muqdisho ku eedeeyay siyaasiyiin heshiis hoosaad kula jira Al-shabaab, iyagoo sheegay inay sameynayaan howgallo lagu adkeynayo amniga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya